Posts

Showing posts from June, 2023

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

Image
  Caruurta  marka ay dhashaan ilaa ay ka gaaran da’da 8da sano inta u dhaxeyso waxa lagu tiriyaa in kaalin muhiim ka qaadato jihaynta iyo qaabaynta mustqablka caruurta. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa cadeeynaayo in maskaxda ay aad u hormarto waliba si xowli ah inta lagu guda jiro xilligaas. Hadii caruurta ay helaan taagero inta lagu guda jiro xilligaas waxaa hubaal ah inay waxbadan ka qaban doonto nolosha da’yarta iyo ubaxa soo koraya.    Maqalkan waxaan diiradda ku saari doonnaa waxbarashada xanaanada iyo muhiimada ay u leedahay caruurta. Muhiimada ugu horeeysa uguna muhiimsan ee xanaanada uleedahay caruurta waa in ay u diyaariso waxbarashada rasmiga ah iyadoo ku qalabaynaysaa aqris, qoraal iyo fahan ka caawin doono caruurta waxbarashada rasmiga ah (formal education).    Barnett W.S. maqaal uu daabacay 2011 oo ugu magac daray “Effectiveness of early educational intervention” ayuu ku xisay in caruurta soo qaadata xanaanada ay galaan waxbarashada rasmiga ee kusoo wajahan iyagoo loo diy