Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

 

Caruurta  marka ay dhashaan ilaa ay ka gaaran da’da 8da sano inta u dhaxeyso waxa lagu tiriyaa in kaalin muhiim ka qaadato jihaynta iyo qaabaynta mustqablka caruurta. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa cadeeynaayo in maskaxda ay aad u hormarto waliba si xowli ah inta lagu guda jiro xilligaas. Hadii caruurta ay helaan taagero inta lagu guda jiro xilligaas waxaa hubaal ah inay waxbadan ka qaban doonto nolosha da’yarta iyo ubaxa soo koraya.  


Maqalkan waxaan diiradda ku saari doonnaa waxbarashada xanaanada iyo muhiimada ay u leedahay caruurta. Muhiimada ugu horeeysa uguna muhiimsan ee xanaanada uleedahay caruurta waa in ay u diyaariso waxbarashada rasmiga ah iyadoo ku qalabaynaysaa aqris, qoraal iyo fahan ka caawin doono caruurta waxbarashada rasmiga ah (formal education).  


Barnett W.S. maqaal uu daabacay 2011 oo ugu magac daray “Effectiveness of early educational intervention” ayuu ku xisay in caruurta soo qaadata xanaanada ay galaan waxbarashada rasmiga ee kusoo wajahan iyagoo loo diyaariyay maskax ahaan iyo jir ahaanba. Iyadoo asaaska laga soo dhisay sidaa aqriska, tilmaanta, qaababka, midabaynta iyo kala sooca iyo bulshaynta kuwasoo kaalin mug leh ka qaadan doono in waxbarashada tooska ah uu ku guulaysta.


Maadama caruurta ayagoo yar lagu bilaabo in la dhiso maskaxdooda waxaa yaraanayso caruurta ka cabato ku adkaansho waxbarashada ay ku adkaato (learning disabilities) ka dib marka ay bilaabaan waxbarashada hoose. Caruurta aan helin taageradaas xilliga ay aadka u yaryaheen una nugulyihiin waxbarashada waxa wajaho dhibtadaas oo ah in waxbarashadii ay ku adkaato ilaa ay ugu dambeen iskaga haraan waxbarashada (dropout). 


Xananooyinka muhiimada ugu wayn ee laga leeyahy waa inay caruurta u diyaariyaan academically si ay sii fiican u wajahan sanadaha waxbarasho ee kusoo aadan. Caruurta laguma baro buugag iyo manaahij waawayn ee waxaa wax lagu baraa caruurta hanaan ciyaar ku salaysan (Play-based learning) iyo I tus oo taabsi oo waxa la baraayo iyadoo toos ah loogu keeno, taas waxaa ka dhalanaysa in caruurta ay ku qalabeeyan xirfada muhiim u ah adduunka waqti xaadirkan sida qilaaf xalinta (problem-solving) iyo fikir naqdi ah (critical-thinking) iyo xirfadda wada xariirka (communication), taasoo caruurta ay kula xariraan dhigooda ama asaagooda ay waxbarasho wadaaga yihiin. 


Isla marka oo ardaygu bilaabo waxbarashada hoose wuxuu ku qalabaysanyahay xirfaddo iyo aqoon uu u baahnayahy si uga guul keeno. Xanaanada maahan in manahajka waxbarashada hoose loo sii dhigo ardayga, ee waa in jir ahaan iyo maskax ahaanba loo diyaariyo caruurta dunida waxbarasho iyo tan caadiga ah ee kusoo wajahan. 


Markii la joogo soomaliya way jiraan meelo loo baxiyay in ay xanaanooyin yihiin, laakiin kuma qalabaysna aaladii iyo aqoontii barbaarin ee looga baahna qof barbariye ah inuu leeyahay. Agaasinka waxbarashada gobolka banaadir qoraal ka soo baxay oo ay ku baaahiyen aaladooda facebooga ay wax ku cad in 193 macallin oo codsatay in loo qaato barbaariyaal (macalimiin xanaano) ay dhamaantood kuwada hareen imtixaanka tijaabada ah ee laga qaaday, taas waxay ku tusinaysaa in soomaliya ay ka jirin siyaasid barbarin ama xananayn laakiin sida la rajaynaayo mar dhaw ay dhaqan gali doonto. 


Xanaanaynta iyo barbaarinta caruurta waxbarasho ahaan, waa xirfad la barto oo takhasusaad leh. Ma ahan wax qof aan soo marin qualification-kii looga baahna uu iska samayn karo, waxay u baahantahay cadayn (certification) iyo qualification inaa ka haysto qeybtaas sida goonida ah loo barto. Waxay leedahay masuuliyaad iyo anshax(ethics) la rabo qofka sameenaayo inuu raaco.  


Xanaanada caruurta waa in ay lahaata degaan ku haboon ee lagu barbaarin karo caruurta, deeganku waa meel ay  ku ciyaari karaan. Waa in la abuura xaalad ay caruurta ku dareeman  wa  lasoo dhaweyay ayna ka qayb qaatan shaqooyinka u degsan inay qabtaan. Caruurtu haday jaanis u heli waayan deeganka nuucas ah markii ay yaryihiin ee si toos waxbarashada hoose loo geeyo waxaa ku imaanaya cadaadis fara badan oo dhanka waxbarashada sababtoo ah waxay isku deegan wax ku baranayaan qaangaar fasalka 12aad ah, xiisaduhu waa isku waqti, fasalada waa isku mid, jadwalka waa isku mid, sidaa daraadeed caruurta ma xamili kaaraan cadaadiskaas. 


Ugu dambayn xanaanada caruurta waxay kaalin wayn ka qaadata goaaminta iyo jiheynta mustqabalka waxbarasho ee caruurtu leeyihiin, sidaa daradeed mudane waalid ku dadaal caruurtada inay helaan taagerada ay kaaga baahanyihiin inta ay saaidka ugu nugulyihiin in waxbarashada ay la qabsadaan taasoo horseedi doonta in waxbarashada rasmiga ay si fudud ay ku dhameestan 


Tixraac 


Barnett, W. S. (2011). Effectiveness of early educational intervention. Science, 333(6045), 975-978. 


Heckman, J. J., Pinto, R., & Savelyev, P. A. (2010). Understanding the mechanisms through which an influential early childhood program boosted adult outcomes. American Economic Review, 100(1), 206-240. 


W/Q Abdulmalek Elmi Abdishakur  

Caddecilmicadde@gmail.com 

 


 


Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival