Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!










Xilligii maamulka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa jiray rajooyin iyo filashooyin in Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin waawayn oo dhanka horumarka ah, Farmaajo, oo markii la doortay kala kulmay taageero aan caadi ahayn gudaha iyo dibedda dalka, ayaa filashadaas ku baddalay dulduleelo iyo daganaansho la'aan siyaasadeed. Nasiib darro, marka dib loo eego, waxaa cad in mudadaas ay ahayd mid madaxweynuhu ku guuldareystay inuu fuliyo balan-qaadyadii iyo yididiilooyinkii loo qabay dowlad wanaag iyo maamul daah-furan. Kal xukunka Farmaajo waxaa loo aaneeyn karaa xilli xukun guuldareystay marka la eego himilooyinkii la lahaa iyo waxyaabihii la qabtay.

Waxaa kamid ah dhaliilaha ay lahaayeen maamulkiisa ku takrifalka awoodda dowladda. Ku takrifalku waxuu si gaar ah uga muuqday sida loo maareeyay khilaafaadka siyaasadeed ee jiray iyo xiriirkii ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, halkaas oo mararka qaar awoodda dowladda loo adeegsaday hab aan waafaqsanayn mabaadii'da dimoqraadiyadda iyo maamul wanaagga.

Farmaajo wuxuu isticmaalay awood ciidan si uu u caburiyo guuxa shacabka iyo dhaqdhaaqyada mucaaradka. Weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, 17kii december sanadii 2017 , halkaas oo lix ka mid ah ilaaladiisa ay ku waayeen naftooda isaga laftiisana uu ku dhaawacmay waxay cadayn buuxda u tahay haab maarayntii farmaajo iyo kooxdiisa u mareen aamusinta codka mucaaradka dowladooda dhaliila. 

Sidoo kale, Safar ka-joojintii lagu sameeyay madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale, Weerarka lagu qaaday Hotel Ma’ida, oo ay deganaayeen labada madaxweyne ee hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, shacab soomaliyeed oo banaanbax nabadeed dhigayay ayaa xabado nool nool lagu huwiyay goobihii ay ku dhigayeen, iyadoo galaafatay nolosha shacab aan waxba galabsan oo dambigoodu yahay soo bandhigadda dareenkooda iyo shucuurtooda ku aadan dowladda waqtigu ka dhamaaday markaa ee Farmaajo iyo kooxdiisa.

Dhiilooyinkii farmaajo xukunkiisa gaysteen waxaa ka mid ahaa dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse, loo yaqaan Qalbi Dhagax. Tani waa mid kale oo kamid ah tallaabooyinkii ay si weyn ugu hungoobeen dad badan oo Soomaali ah kana filayay hoggaanka cusub dareen wadaniyad iyo soomalinimo.

Falka dhiibista Qalbi-Dhagax waxay ahayd tallaabo si weyn uga hor imaatay dareenka waddaninimo ee Soomaalida, waxayna abuurtay su'aalo badan oo ku saabsan mowqifka dowladda ee la xiriira madaxbanaanida iyo ilaalinta muwaadiniinteeda.

Wuxuu horseed u ahaa qabashada doorashooyinka maamul goboleedyada oo dad badan ay ku tilmaameen inay ahaayeen "gacan ku rimis", kuwaas oo muran iyo khilaaf badan dhaliyay, ayna natiijadooda ka dhasheen rabshado iyo xitaa dhiig-daata.

Farmaajo wuxuu dayacay, mararka qaarna si ula kac ah uga gaabiyay, inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiin qaran iyo midnimo umadeed, isagoo inta badan diiradda saarayay siyaasad ku dhisan afkaar kala qaybin ah iyo caburin joogto iyadoo la isticmaalayo ciidan soomaliyeed.

Eedda ugu weyn ee Farmaajo waxay tahay sku daygii uu ku doonayay in uu ku sii haysto xilka Madaxweynanimada ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisii rasmiga ahaa, taasoo keentay muran siyaasadeed oo ba'an iyo rabshado gudaha dalka ka dhacay. Kursi jacaylka farmaajo waxay qarka u saartay in dalku aado dagaal sokeeye oo adkaan lahayd sida looga soo laabto. 

Xilligiisii, waxa uu noqday tusaale kale oo taariikhda Soomaaliya uga jirta "Kal-xukun lagu hungoobay iyo filasho qasaartay". Wuxuu ahaa waqti ay rajadii iyo filashadii laga lahaa maamulkiisa, taas oo ahayd inuu keeno isbeddel siyaasadeed oo horseeda nabad iyo xasilooni, si fool xun ugu burburtay xasilooni darro iyo khilaaf siyaasadeed oo dalka hareeyay iyo ficillo aan ka fiirsi lahayn oo looga jawaabay.

Waxyaalaha ugu waawayn ee laga xasuusto kal xukunkiisa waa "Badbaado Qaran", Badbaado Qaran waxaa ku bahoobay siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka, xubno ka socday bulshada rayidka, iyo saraakiil ciidan oo muujiyay diidmo qayaxan oo ku aadan isku dayga muddo kororsi ee farmaajo damacsanaa.

Dadaallo badan kaddib, waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed oo soo afjaray xiisadii siyaasadeed, dalkana u jiheeyay qabsoomidda doorashooyin ay ku tartameen dhammaan dhinacyadii siyaasadda oo ugu dambayntii keenay in la doorto Madaxweyne Xasan Sheikh. Waxaa bogaadin mudan Raisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble, oo Markii ay soo baxeen isku dayga muddo kororsiga iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay, Rooble wuxuu muujiyay sida uu uga go'an tahay inuu dalka ka badbaadiyo inuu galo xasarad dheeraad ah.

Markii si dhab ah loo qiimeeyo, waxa cad in  Farmaajo, in kasta oo uu qaaday tallaabooyin lagu tilmaami karo horumar, hadana uu aakhirka noqday "Keligii Taliye Guuldareystay", sababtoo ah dadaal walba uu samayn karay ayuu u galay si uu ugu nagaado xilka, haday noqon lahayd xitaa dhiig daata. Waxaa u saamixi waayay duruufaha iyo bulshada soomaliyeed oo diiratay mooyee, farmaajo maalinna uma qorsheysnayn inuu xil wareejiyo.

Si kastoo ay ahaataba, wixii dhacay waa casharro taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan ka barano, kuna dhisno dhaqan ka fog dhamaan dhaqamadii la soo sameeyay kal- xukunkaas.

Comments

  1. Mdaxweyne CirbaHa Loogu Dhegan Yahay Somalia Wx kama Badali Karo hda HSM Mucaaradka Ayaa lugaha Heya Si Dastuurka loo meel Mariyo Hdaan wada Ogol Aheyn Goormeen Wx Qabad Sugeynaa ?

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival