SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE


Qareenno South Africa u dhashay ayaa maxkamadda caalamiga ah ee adduunka (ICJ) u gudbiyay dacwo ka dhan ah isreal iyagoo oo ku eedaynaya in ay xasuuq aan loo meel dayin u geysteen shacabka reer falastiin. Maxkamadda waxay dhagaysan doonta doodaha labada dhinac, waxay gaari doontaa goaan,  Inkastoo maxkamaddu aanay awood buuxda u lahayn fulinta goaamada ay gaarto laakiin waxay cadaadis wayn saaraysaa cid walba oo laga gar helay.

Qareenadu waxay ku doodayeen in isreal ujeedka dagaalkooda u yahay xasuuq wadareed loo geysto shacabka reer falstiin. waxa ay ku eedeeyeni in ay si kas u beegsadeen isbitaalada, masaajidyada iyo goobaha dadwaynaha iyaga oo si aan loo meel dayin loo wada xasuuqay. Waxay kaloo ku doodayeen in xasuuqa iyo dulmiga lagu hayay reer falastiin uusan bilaaban wixii ka dambeeyay dagaalkii 07 october ee uu ahaa wax socday in ka badan 76 sano. Sidoo kale waxay ku doodayeen in isreal godoomisay Gaza, iyaga oo is hortaag ku sameeyay kaalmooyinkii caafimad ee loogu talagalay shacabka Falastiin. Waxay sidoo kale cadeeyen in ujeedka isreal uu yahay isir tir iyo baabin lagu sameeyo shacabka reer falastiin. Geeska kale isreal waxay ku doodayan in ay sameeyen howlgal millitary oo ay ku dhabar goynayanaa ururka Hamaz ee aan loogu magac darin "Xasuuq", sidoo kale waxay ku doodayaan in maxkamadu ay laasho eeda qareenada kale ay soo jeediyeen sidaana loo soo aflaabo dacwada.   

Warbaahinta caalamka waxay si wayn ugu janjeertaa hal dhinac markii dacwada la yimaado, kuwa yar mooyee oo si toos ah usii daayay dacwada oogista lagu oogay isreal, inta kale ma aysan soo daynin, iyaga oo maalintii ku xigtayna is difaacistii qareenada isreal ay soo tabiyeen dhamaan warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer.

Canada, maraykanka, UK, Jarmalka waxay dhamaantood cadeeyeen inay taageri doonan doodda Isreal. Dowlada Jarmalka waxay si cad u sheegtay inay si rasmi ah dacwada u gali doonto iyadoo waxba kama jiraan ka dhigaysa Dooda lidka ku ah Isreal.

Imtixaan adag ayaa maxkamadda ICJ ee hague horyaala. Hadii ay "MAYA" dhahaan eedeynta qareenada south afrikaanka usoo jeediyaan, ee ah in xasuuq wadareed ciidamada isreal ay ka geeysteen gudaha Gaza , waxay isreal si rasmi ah ugu baneeynayaan daadinta dhiiga iyo isir tirka kusocda reer falastiin. Waxaa adkaan doonto aaminidda qaraar walba oo ay maxkamaddu gaarto goaankaas ka dib. Laakiin hadii ay "HAA" dhahaan oo ay aqbaalan eedaynta loo soo jeediyay, waxay isreal ku qasbanan doontaa joojinta dagaalka iyo inay soo faarujiso Gaza, sidoo kale mareykankuna wuxuu ku qasbanaan doonaa joojinta taageerada tooska ah ee uu siinayo isreal si loo xasuuqo shacab aan waxba galabsan iyadoo lagu marmarsiyoonayo inay ahayd "Is difaacis".

Goaanka dambe wuxuu noqonayaa tilaab wayn oo u ibo furi doonta in la helo Falastiin xor oo madaxbanaani yeelata, cunaqabatayntana laga dulqaado. Qareenada South Afrikaanka ah eedeyntooda waxay u baahantahay kaliya 8 garsoore oo ka tirsan maxkamada oo ku qanca dooda ay soo jeediyaan.

Maxkamaddu waa inay kala doortaa in ay qanciso koox gaar ah oo awood leh una oggolaato xasuuq wadareedka ay ku wadan shacabka Gaza, ama in ay amraan in si dhamaystiran loo joojiyo dagaalka una amraan in la faarujiyo Gaza loona fidiyo gargaar caafimaad, biyo iyo cuntaba ah.

South Afrikaanku waxay sameeyeen wax dalalkii carabta ahaa ee awooda lahaa, muslinimadana sheegta ay samayn kari waayeen, kuna dhiiran waayeen. Waxay tani baal dahab ah kaga qormi doontaa taariikhda adduunka sidii ay u gurmadeen baniaadanimada. Guul iyo guul darraba South Afrikaanku waxay muujiyeen geesimimo iyo ku dhac ay awoodi waayeen dalal badan oo muslimiin ah awoodna leh.

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival