DHAMBAALADII DHIMASHADA!

 

"Aafadu xisaab maleh, sidii aayadii tiriye 

Alle samirkii mooye nin wayn, ooyi kari waaye” 

-Abdiwali Faarax Qaambi 

 

Waa casirliiq oo wuxuu dulfadhiyaa miis ay dulsaarinyihiin afar waraaq oo cadcad iyo qalin. Waxaa lagu jiraa xagaa oo roob baa tifiqtifiq leh si goosgoos ah. Wuxuu dhexfadhiyaa qolkiisa shaqada ee uu soo galo uun wax la xariira shaqada hareeraha waxaa daaadsan waraaqo, qaar jeexjeexan qaarna aad moodo in hadda la qoray. Isku dhex yaaca ka muuqda qolka waxaad mooda in aanba lasoo galin sanado badan. Waxaa baxaya iftiin nuxuus ah oo ka soo baxaya leyr aad moodo inuu shaqeenayay qarniyaal kala gadisan oo iftiinkiisa aadan si buuxda uga dhex arki karin waxa dhex yaala qolka, kaliyana uu ku aadanyahay miiska ay afarta xaashi saaranyihiin. 


Wuxuu galay hirar fikir ah oo maskaxdiisa aad u mashquuliyay maalmahaan dambe isagoo dib u fiiriyay noloshiisii iyo wixii u qabsoomay oo maanta uusan qiimo u heynin iyo wixii ku riyoon jiray oo usan gaarin oo iyana aanu shalayto ka heynin. Maskaxdiisa waxay si aamusan isku leedahay “Nolosheyda oo dhan waxaan ku qaatay difaacidda waxyaabo aanan sii yeelan doonin, hadda keligey ayaan fadhiyaa, anigoo niyadjabsan quusna ah.” Wuxuu taaganyahay quus oo wuxuu goaan ku gaaray in wax ka badalo noloshiisa inta uusan kursiga uu ku fadhiyo ka kicin, sidee buu u badalaaa? Ma isagaaba badali kara? 


Waxa uu  nolosha ka heeystaa qoyskiisa, xaas iyo 2 caruur ah, Aniso iyo Meysa. Malaha hanti badan oo ma guurto ah oo waxuu ahaa adoon mushaari ah intii usoo dhacdana qoyska iyo xaaska ukala qaybin jiray.  


Wuxuu ku shaabadeeyay noloshiiisii mid qasaartay oo wixii uu raadin jiray aanay noqon siduu filaayay, Waxa uu is waydiiyay “Haddii aad maanta dhimato, maxaad guul ah oo dunida kaga tegaysaa?” waxa kaliya oo uu heysto waa Anisa iyo Meyza oo uu arko inay yihiin guusha kaliya ee uu ku faaani karo iyo lexejeclaha kaliya ee uu addunka ka qabo. Anisa waa 15 sano jir halka Meysa ay da’da 13 sano ay u bilaabanayso bilawga noofeembar-ta soo aadan. 


Waxaa markuu intaas marayo aad u bilawday roob mahiigan ah oo aad moodo inuu soo dumin rabo saqafka kore ee qolka uu ku jiro. Ha soo dumiyo! Ma isagaaba dan iyo heelo ka leh. Wuxuu iska sii wato fikirkiisii ee uu isku eedeeynayo dhamaan noloshiisa qaribneed ee uu caawa rabo inuu u helo xal aan ahayn ku meelgaar ee xalwaara oo kaga reysto mowjadaha nololeed ee midba midka dambe u diibayso. Wuu cabanayaa, miyaanay saa ahayn? Xaq buu u leeyahay laakiin fashilkan uu ka cabanaayo noloshiisii intuu noola buu maanta rabaa inuu soo gunaanado. 


Wuxuu qoomamo isla dul istaaga dhacdooyinkiisii dhalinyarinimo iyo siduu uga falcelin jiray wuxuu isku canantaa qaladaad badan uu sameeyay ee hadii maanta loo celin lahaa uu dib ka soo saxi lahaaa. Wuxuu isku canaantaa waxyaaloo uu muhiimad gooni ah siin jiray in uu uusan siin lahayn hadii fursada u heli lahaa in loo celiyo noloshiisii hore. Aragtida dadka wax tixgelin ah kama uusan siiyeen waxa uusameynaayo. Umana uusan aabayeeleen ammaantooda, ceydooda, amaba qiimeynta shakhsiyadiisa. Kama uusan cabsadeen guuldarada oo wuxuu qaadan lahaa goaaamo badan oo noloshiisa waxbadan ka badeli lahaa hadii uu ku dhiiran lahaa. 


Wuxuu dib uga soo laabtay ka dib dhawaaq furista albaabka qolkiisa oo dib ugu soo celiyay jawiga qolka kana soo saaray hafashadiisii uu ku hafanayay badwayn quus ah. Waa Meysa, waxay si toos usoo abaartay halkii uu fadhiyay waxayna dhunkatay dhabankiisa iyadoon warka kale uusan ka soo bixina qaadatay boorso dhex tiilay qolka.  


Wuxuu ku baraarugay waqtiga, waa afartii habeenimo. Jawiga waa amusanyahay wax socda iyo wax kalaba midna lama maqlo qabow iyo dhaxan is wata baa marba daaha dhamaadka ah ee daaqada qolka ku aadan soo baf-siiya. Wuxa uu soo qaatay qalinkii saarnaa miiska waxuuna soo dhaweestay mid ka mid ah afartii waraaq ee miiska, eberka ah ee caarada degtay dhinaciisa hoose saarnaa. Wuxuu bilabaay qorista waraaqda isagoo cabaar markii qoraba uu qalinka dhafoorada ku garaacayo iyada aad moodid inuu soo tuujinayo afkaar ku quusay maskaxdiisa, wuxuu waraaqba mar qoro wuxuu dhameeyay qoritaanka wuxuuna dulsaaray qalinkii uu ku qoray oo ah cidda kaliya ee uu caawa abaal uga haayo noloshiisa.  


Wuxuu isku jaribay in uu istaago oo wuxa uu aaday qaanad taal dhinaca bidix ee qolka waxa uu furay qaanada waxa uuna kala soo baxay bastoolad nuuceedu yahay beretta m9, oo uu soo iibsaday 6 bilood ka hor. Waxa uu kusoo laabtay isla kursigii u fadhiyay, aamus dheer ka dib, silicaan waxaa dhaanto dhimasho wuxuu bastoolada ku aadiyay madaxiisa keebkana uu ku riixay BUM! Waxaa dhiig firdismaya uu ku daatay miiskii horyaalay, warqadii ugu horeysayna waxaa wada qariyay oo ku datay dhiiga, kaasina wuxuu ahaa nin nolosha wax badana la soo harjaday balse ugu dambayn ay iyadu u awood sheegatay.


*** 


Dhawaqa xabada dhacday ka dib qofka ugu horeeyay ee usoo cararay qolka wuxuu ahaa Anisa oo ku jirtay qolka ku xiga qolka uu aabaheed ku jiray, uma aysan soo aadin inay soo fiiriso in aabaheed noolyahay iyo in kale ee waxay ugu soo carartay dhankiisa inay cabsida heysa kaga dhugaalsato. Anisa waxay aad u neceb tahay dhawaaq rasaasta iyo qaraxyada ee sida joogtada ah ug dhaca xamar. Ay soo furtay qolka waxay indhaheeda qabteen qof yaala dhulka uuna kasoo qulqulayo dhiig fara badan oo soo aadaya dhanka iyo albaabka qolka, qaracan iyo naxdin bay kowsatay oo ma filayn in xabada ay ugu soo carartay aabaheed in ay ku wajahneed qofka kaliya ay aad ugu jecleed dhamaan dadka uunka saaran. Markii laga soo tago xiriirka aabanimo Anisa iyo xayir waxay ahaayeen saaxiibo isku sheegta siraha, wada sheekaysta oo waliba ay iskugu baxdo. Waligiis gacan uma qaadin oo markii qalad ay gasho wuu waanin jiray isagoo uga faaidaysan jiray fursadaas mid uu wax ku baro labadiisa gabdhood ee uu jecelyahay. Falcelin ay samayso ayay aqoon waysay oo waxaa ka tagay miyirkii iyadoo ku dhacday albaabka qolka.  


Xaaska xayir, Xafso ayaa soo gashay qolka waxayna isheedu qabatay Anisa iyo Xayir oo dhulka wada yaala dhiigana uu aad u qulqulaya dhamaan gudaha qolka. Makala saari karin midka wax gaareen waxayse u qaadatay in labadoodaba ay dhiigbaxayaan balse markii ay anisa oo ugu soo dhawayd iyo dhabta saartay ayay ka waysay wax dhiig ah oo iyada ka socda markas ayay yaqiinsatay in qofka wax gaareen uu yahay xayir oo dhinac dambe ee qolka dhacadiid u yaala. Xafso markii laga soo tago joogeeda iyo jamaalkeeda waa gabar uu dheeryahay iiman iyo alle yaqiinsi, wax walbo uu ku dhacdana u aanaysa mid loo qoray iyada oo aanay wax ka badali karin sidaas ugu qanacda halgaad walba oo ay noloshu dhankeeda kusoo tuurto. Waxay yaqiinsatay in qof walba dhimanayo sidaa daraadeed ma argagaxin balse waxaa qaadan-waa ku noqotay in saygeedii ay dunida ka calmatay uu isagu is dhaafin doono nolosha. Maalinna xumaan ma badin waxayna is qabeen muddo ku dhaw 30sano hadana maalinna hadal ay dhibsatay kumuu oran. Waxay saartay go iyadu ay wadatay waxayna u jiheestay qolkeedii si ay u wargaliso qoyskeeda iyo qoyska xayir dhacdada anfariirka leh ee dhacday caawa. 


Waxay wargalisay labada qoysba in xayir uu geeriyooday, mayee uu isagu noloshiisa is dhaafiyay. Waxayna lasii ogaysiiyay asxaabtii aadka ugu dhawdhawaa xayir, kuwaasoo ay qaadan-waa la noqon waysay in saaxibkood uu isaga nolosha is dhaafiyo. Waxayna xuseen in uu ahaa qof dhiiran oo haladayg leh! Mayee waa siday moodeen. Waxaa sidoo kale la ogaysiiyay geeridiisa goobtii uu ka shaqeyn jiray iyadoo maamulaha uu shir iskugu wacay dhamaan howlwadeenadii shirkada si uu ogaysiiyo in saaxibkood, xayir uu isagu nolosha is dhaafiyay uu geeriyooday waxayna iyana xuseen in uu ahaa shaqa yaqaan xirfadle ah oo hami iyo han fog kalahaa noloshada. Ma siday modeen? Mise siduu ahaaa! 

*** 

Xafso waxay miiska uu agyaalay xayir kasoo qaaday afar waraaq oo is dulsaaran oo uu firirka dhiiga uu sameeyay. Afarta waraaq waxaa kor kaga qoran mid walba magac gooni ah waraaqda koowad Hooyo iyo Aabe, halka waraaqda labaadna ay ku qorantahay Walaalayaal, sidoo kale waraaqda seddexdna ay ku qorantahay Gabdhahaygii, iyadoo waraaqda afaraad ay ku qorantahay Xaaskayga, xafso waraaqaha waxay laba waraaq u dirtay qoyskii xayir halka gabdhaheedana ay siisay waraaqdii ay ku xusnayeen halka iyana ay aqris ula fadhiisatay waraaqdii uu iyada kaga tagay xayir. Dhambaalada ku qoran waraaqaha waxay u dhiganayeen sidaan. 

 

 

Hooyo iyo Aabe,


Waxaad akhrin doontaan waraaqdaan anigoo ifka ka tagay. Waan ogahay juhdigii iyo dedaalkii aad I galiseen, waan la socdaa filashadii wayneyd ee aad iga qabteen. Hooyo iyo aabe waxaan sameeyay wax walbo aan karay si aan idin kaga dhigo kuwa igu faana nasiib darro waxba way ii suurtagali waayeen. Nolosha waxay ii yeelatay waji aan ahayn midii aan ka filayay wax walbo oo aan saadaalinayay waa is badaleen. 


Hooyo iyo aabe waxaan goaan ku gaaray inaan xanuunka is dhafiyo, eed kuma lihidiin goaankayga oo aniga qaata waxaanan idinka codsanaya in aydaan naftiina ku dhibin oo ku colaadin goaan aan anigu qaatay. Waxaad samayseen wax walbo ood ii awoodeen. Waxaan yaqiinsaday biilka yarka ah ee aan idin soo diri jiray inuusan buuxi karin booskii aad iga filayseen inaan idin buuxiyo. Waan ka xumahay hooyo iyo aabo. Waan idin jeclahay. 


 


Walaalayaal, 

Waxaad akhrin doontaan waraaqdaan anigoo ifka ka tagay waliba doorasho aan aniga doortay in aan ka tago ka dib markaan noqday mid ku guuldaraysta noolaashaha xalna u wayay halgaadaha ay noloshu kusoo tuurto. Aboowayal iyo abaayayaal ha booyina. Waan ogahay inaan idin niyadjabiyay, waan ogahay inaan idin cidleeyay laakiin waxaan idin kaga tagayaa Aaabe iyo hooyo inaad ii ilaalisan. Waxaan idinkula dardarmaaya inay aydaan waligiin samaynin waxa aan maanta aniga sameeyay. Aniga waxaan ahay mid guuldaraystay waxaan idin rajaynayaa inaad ka guulaystan harjadka aad kula jirtaan nolosha. 


Walaalayal waxaan idin kula dardarmayaa in qofka idin Caawiya aydaam hilmaamin qofka idin jecelna aydaan nicin, qofka idin aaminayna,aaydan qiyaamin. Walaalayaal ha u bedelinna naftiina, dabeecadiina iyo dhaqankiiba dad kale dartood, una noolada sida aad jeceshihiin inaad u noolatan, hubaal  waad guulaysanaysaan. Waa idin jeclahay. 

 




Gabdhahaygii, 

Aabo ha murugoonina. Waxaan idin reebayaa waxa kaliya oo aan awoodo in aan idin reebo, talo si aynaan siriqda aan ugu dhacay aydaan ugu dhicin aabo. Aabo feejignaada nolosha waxay idin horkeeni doontaa caqabado farabadan oo ay idinku niyadjabiso. Aabo qofka galbada ma soo laabto, aabo qofka idin dhiba maalin malmaha ka mid ah ayuu helayaa qof dhibaya, qofka idin ka oohiyana maalin ayuu helayaa qof ka oohiya, waayo dhulka waa wareegaa ee qofna ha dulminina si aan la idin dulmin..qofna ha dhagrina si aan la idin dhagrin, qofna been ha u sheegin si aan been la idinkugu sheegin. Aabo haka cabsanina guuldaradda bal si geesinimo leh u wajaha. 


Aabo waxaan idin kula dardarmayaa inaad is weheshataan oo is garabsataan si wadajir ahna aad u wajahdaan giraanta nolosha. Aabo walaalo ahaada oo is taagera marka midkiin liito oo si wadajir ah u guulaysta. Aabo I cafiya. Waan idin jeclahay. 



Xaaskayga, 

Nasiib xumo badi qoraalkii ku qornaa waraaqdan waxaa qariyay firxadkii dhiiga ay sababtay xabadii uu keebka u taabtay xayir, waraaqdan waxay ahayd waraaqdii ugu dambaysay uu qoray waxayna ahyd tan ugu horaysay waraaqaha kale. Hadaan qiyaasno ereyo jacayl iyo talooyin uu saygii geeriyooday uu siinayo xaaskiisa ayay u badnayeen, goorba guubabo ayaa ku qorneed!  



HIBAYN  

Sheekadaan gaaban oo ah qormadeydii koowaad ee sheeko faneedda waxaan u hibeeyay Saaxibkay walaalkay Maxamad Nuur Cusmaan, Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, Aamiin. 


 

Comments

  1. Sheeko xiiso badan oo bogba bogga kale kuu dhiibayo , hab farshaxameysan loo qory.
    Waxaad moodaa murugada ay dareemayaan labada gabdhood ee aabahood dhintay in aan ana ladareemay.
    Zxp , sii wad oo haka daalin curinta sheekooyinka nuucaan ah.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival