MAXAA AFRIKA DIB U DHIGAY?

 

‘AFRIKAAY IS DOONO’ 

 

Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn adduunka, sidoo kalana ah qaaradda labaad ee ugu dadka badan adduunka. Afrika waa qaarad faqri ah hadana ku taala dhul hodan ah, kaa oo hodan ku ah saliida, dahabka iyo xoolaha. Afrika waxay caadaysatay gargaarka. In ka badan 1 trillion oo dollar oo horumar taakulo ah ayay Afrika heshay toboneeyadii sano ee ugu dambaysay! Maku liibaaneen? 

Afrika mustaqbal dhaqaale oo ifaya malahan, musuqu waa mid baahsan oo xididaystay, waxbarasho laaan ayay la daaladhacaysa, xasilooni darro siyaasadeed ayaa dhinac walba ka taagan, madaxda afrikaanka ah waxay badankood qabaan cudurka “kursi-ku-dhegga”, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa burbursan.  

Afrika waxay si wayn uga dambaysaa oo ay waydaaratay horumarka dunida inteeda kale ka jiro. In ka badan nus qarni oo madaxbannaani ay ku jiraan badanaa dalalka Afrika, su’aasha ayaa weli ah sababta dad ku nool mid ka mid ah dhulka ugu qanisan adduunka aanay u dareemin nolol tayo sare leh iyadoo  43% dadka ku nool Afrika, oo u dhiganta qiyaas ahaan 600 million oo qof, ayaa ku nool yihiin koronto laan. Sidoo kale, 40%  dadka ku nool qaaradaan, oo u dhiganta qiyaas ahaan 400 million, ayaan helin biyo nadiif ah oo la isku halayn karo (United Nations Water Report, 2023) 

Maxaa Afrika dib u dhigay oo dib uga haya inay asaageed la tartanto? Maxay ugu muuqataa inay howlgabtay? Maxay madaxdeeda iyo aqoonyahankeedu ay ugu fiirsanayaan il-xumada  haysata? Waa suaalaha aan rabno inaan jawaabo u helno. Waa sax, gunta dhibta Afrika haysata maahan mid lagu soo koobi karo ereyo kooban laakin waxaan ku dadalaya inaa wax yar idiin iftiimiyo, ka dib, idinku si hoose usii baartaan oo u sii daba gashaan. 

Maxay Afrika Ugu Jirtaa Saboolnimada? 

Sida aan horay usoo sheegnay qaaradda Afrika inay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah, laakiin erayga saboolnimada ayaa weli ku lifaaqan qaaradda taas oo aad niyad jab u ah. Cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsan sababta Afrika ay wali u hormari la’dahay ayaa sababo kala duwan lagu sheegay, qaar waxay sheegeen in Afrika aanay hodan ku ahayn kheyraad dabiici ah sidii loo moodo, kuwan ayaan ku qanacsaneyn kheyraadka qaaradda, xitaa waxay aaminsan yihiin in Afrika ay leedahay carro sabool ah oo aan quudin karin dadkeeda kuna fiicnayn beerashada, qolada labaad waxay eedda dib u dhaca Afrika dusha ka saarayaan hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo u arkaan kuwa mas'uul ka ah horumar la'aanta iyo dib u dhaca  qaaradda. Aqoonyahannada iyo cilmi baarayasha Yurub waxa ay u janjeeraan oo ay ku doodan inay eeddu tahay hoggaamiyeyaasha Afrika. 

Aragtida kale, oo kasoo horjeedda aragtida cilmi-baarayaasha reer yurub, waxay ku doodayaan in qaaraddu leedahay fursado aad u badan, iyadoo ah hoyga  macdanta, saliida, dahabka iyo xoolaha. Waxay ku doodeen in sababta asalka ah ee saboolnimada qaaradda ay tahay ka faa'iidaysiga xad dhaafka ah ee dalalka Yurub ka faaidaysteen xilligii gumaystaha ilaa hadana ay si dadban uga faaidaysanaayan. 

Waxaan u kala qaadaynaa sababaha ay Afrika u hormari la’dahay laba qaybood, qaybta koowad oo ah sababo banaanka kaga yimid (Exogenous) iyo kuwa gudaha ah oo ay iyagu isugu wacanyihiin (Endogenous). Afrika waxaa dib u dhigay oo u diiday horumarka asaageed tiigsaday inay gaarto waa: 

  1. 1. Musuqmaasuq Baahsan 

Sida aan kasoo xigtay daraasad ay sameeyeen  Transparency International, musuqmaasuqa waa caqabadda ugu weyn ee horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee dalal badan oo Afrikaan ah (Transparency International, 2022).  

Sidoo kale, warbixin ay soo saareen Bangiga Adduunka ayay ku sheegeen in musuqmaasuqu uu wiiqo maalgashiga shisheey sidoo kalana uu yareeyo dakhliga dawladda (Bangiga Adduunka, 2019). 

Waxaa lagu qiyaasaa in Afrika ay sannad walba lumiso in ka badan $50 bilyan oo dhaqaale ah oo si sharci darro ah uga baxa qaaradda, taas oo ah  laaluushka iyo xatooyada ay sameeyaan mas'uuliyiinta dawladda. Tani  musuqmaasuqu ay qayb weyn ka tahay.  

Musuqmaasuqa iyo dhaqaale luminta noocan oo kale ah ayaa caqabad weyn ku ah horumarka Afrika, iyada oo lacagahan lagu luminayo qaab sharci darro ah halkii loo isticmaali lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.  

Musuqmaasuqu waxa uu sidoo kale waxa uu albaabada isugu laaba maalgeliyayaasha shisheeye, iyagoo ka baqaya inay lacagtooda ku lumiyaan laaluush iyo lunsasho.  

Lacago waaweyn oo ku filan in Afrika ay gaarto heer dhaqaale iyo teknoolojiyadeed oo la mahdiyo ayaa loo isticmaalay dano gaar ah kuwaas oo  ku dhammaaday jeebabka shakhsiyaad. Haddii gumaystuhu ahaa tuug hal jeeb leh, hoggaamiyeyaasha Afrika inta badan waa tuugo laba jeeb leh. Sidaas darteed, dhowr sano ka dib markii ay xornimada qaateen, dad badan oo Afrikaan ah weli ma haystaan koronto, biyo nadiif ah, waddooyin wanaagsan, daryeel caafimaad oo tayo leh, waxbarasho wanaagsan, iwm. 

  1. 2. Xasilooni darrada Siyaasadeed 

Kadib markii la gaaray madaxbannaanida, hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ayaa qaatay xukunka kali-talis ah inay yagleelaan. Ama hala doorto ama ay xukunka ha ku yimaadaan afgambi militari, hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ayaa burburiyay dhammaan shuruucdii jiray ee dalalkooda si ay u xukumaan oo ay kursiga ugu  nagaadaan si aan dhammaan lahayn, iyagoo wata waji ah inay dadka dantooda ku yimaadeen- badanaa taas waxaa sababtaa shacabka oo naca ama ka deyriya xukunka kaas ka horeeyay- waxayna ugu dambayn ku dhamaataa qalaalase siyaasadeed oo ay dhiig badani ku daato. 

Kursi jacaylka madaxda Africa ama aan dhihi karno cudurka 'kursiga-ku-dhegga', wuxuu had iyo jeer ka dhigaa xisbiyada mucaaradka inay sameeyaan iyagana isku dayyo ‘kursi-ka-ridasho’ ah, arrintan oo saameyn aad  u xun ku leh xasilloonida siyaasadeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalal badan oo Afrikaan ah. Dabeecaddan waxay keentaa xasillooni darro siyaasadeed iyo musuqmaasuq ballaaran, iyadoo ay baab’iso kalsoonida dadweynaha ee nidaamka dimuqraadiyadda iyo awooda dowladnimo.  

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee dib u dhigay horumarka Afrika waa masiibada xasillooni darrada siyaasadeed, taas oo inta badan ay hurinayaan hoggaamiyeyaal qaba cudurka “kursi-ku-dhegga” kuwaas oo diida isbeddel dimuqraadiyad ku dhisan. Cilmi-baarisyada ayaa si joogto ah iftiimiyay saameynta xun ee cudurkan  ku leeyahay koboca dhaqaalaha, adeegyada dadweynaha, iyo horumarinta aadanaha ee guud ahaan Afrika. 

Sida aan kasoo xigtay Center for Systematic Peace, 2021, Waxaa dhacay in ka badan 200 afgambi ama isku day afgambi tan iyo 1960-kii  

31 dal oo ka mid ah 54-ta dal ee Africa ayaa la kulmay afgambi ama isku day afgambi tan iyo markii ay xornimada qaateen (McGowan, 2003).  

Soomaliya waa tusaalaha ugu dhow ee aan kusiin karo kaas ah marag in xasilooni darada siyaasadeed ee Africa ka jirtaahi ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha Africa horumarka u diiday ee dib u dhiga. 1969 ayay millitarigu la wareegeen xukunkii dalka iyadoo 21 sano uu wadanka ku jiray gacanta xukunka kaligii taliye Siyaad Barre; iyada oo ugu dambayn ay rideen jabhadihii hubaysnaa sanadkii 1991. Soomaaliya waxa ay ka dib  gashay dagaal sokeeye oo daba dheeraday. qabqablayaal dagaal iyo kooxo diimeed iyo darafyo kale oo marba talada iyo xukunka iska rita. Soomaaliya waxa ay wali la dhaaladhacaysaa dhiiftii iyo natiijadii ‘kursi-ku-dheggii’ Maxamad Siyaad iyo ‘kursi-ka-ridashadii’ jabhadihii mucaraadka ahaa, kaasoo sababay in dhaqaalihii, waxbarashadii, caafimaadkii iyo kaabayaashii dhaqaale ee wadanka inay burburaan. Sidoo kale, waxaa dhibaatadaas ka dhashay dhaqdhaaqyo diimed oo xagjir noqday ilaa ay isku badalaan argagaxiso, kuwaas oo ah caqabada nool ee dowladnimada Soomaliya maanta.  Sidaas oo kale, ayay badi dalalka Africa wali u dhaaladhacayaan saamayntaas oo kale. 

Warbixin ka soo baxday Bangiga Adduunka (2017) ayaa lagu qiyaasay in xasilooni darrada iyo rabshadaha siyaasadeed  ay qaaradda Afrika uga luntay $383 bilyan oo wax soo saarka guud ee gudaha ah (GDP) ah  intii u dhaxaysay 1990 iyo 2005; qarashkaas oo bedeli lahaa nolosha dadka Afrika iyada oo loo weecinaayo laguna  maalgashanayo waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. 

  1. 3. Waxbarasho la’aan  

Waxyaabaha ay qaaradani eersato oo dib u dhigay waxaa ka mid ah waxbarasho laan baahsan oo ka jirta qaarada. Sidoo kale, meelaha ay ka jirto waxbarashada oo tayadeeda laga deyriyo. Waxbarasho laanta ama jahligu waxay  xaddidaan awoodda uu qofka  naftiisa iyo tan qoyskiisa uga saari lahaa xeyndaabka faqriga (poverty cycle). Daraasadaha ayaa muujiyay in baahinta waxbarashada iyo tayaynteedu ay tahay mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu kordhin karo dakhliga qofka sidoo kalana lagu yareyn karo saboolnimada bulshada  (Hanushek & Woessmann, 2012; Schultz, 1988). 

Kharashaadka waxbarashada oo aanay qoysasku awoodin ayaa inta badan ka hor istaaga qoysaska saboolka ah, inay iyaga iyo ubadkoodaba ay waxbarashada u dareeran, taasoo ku qasbaysa inay ku noolaadaan xeyndaadbka faqriga. 

Waxbarasho la'aanta ka jirta  Afrika sidoo kale waxay gacan ka geysatay xiisadaha bulsho iyo siyaasadeed ee sare u qaaday xasillooni darrida  qaaradda oo dhan. Marka ay bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, ay waxbarasho tayo iyo shaqooyin wax soo saar leh waayaan, waxay u nugulaanayaan xagjirnimada, budhcadnimo, iyo ka qaybgalka rabshadaha gudaha iyada oo taasi ay hoos u ridayso horumarka qaaradda (Urdal, 2006; Østby & Urdal, 2010). 

Markii waxbarasho lawaayo waxaa iyana adkanaysa in la helo xirfadihii iyo aqoontii loo baahnaa si uu dhaqaale koror (economic growth) u yimaado. 

Caqabadaha kale ee waxbarasho oo ay Afrika wajahdo waxaa ka mid ah, kaabayaashii iyo agabkii waxbarashada oo aan dhamaystirneyn, tayadii macallinka oo iyada maqan- iyada oo 30-40% macallimiinta wax ka dhigtaahi aanay haysan xirfadii iyi tababaradii aas-aaska ahaa ee macallinimo- sidoo kale, tayada manhajka ay qaatan badi wadamada afrikaanka ayaa iyana waxtartkiisa suaal la galin karaa. Afrika oo ay adagtahay inuu waxbarasho helo ayaa midka nasiibka u yeesha wuxuu aad ula kulmaa caqabad kale oo wayn taas oo ah tayada waxbarashada uu dhiganayo 

  1. 4. Gumaysiga iyo Adoonsigii Reer Yurub 

Xilliga gumeysiga, qarnigii 15aad iyo horraantii qarnigii 20aad, ayaa awoodaha Yurub sida Britain, Faransiiska, Itay, Belgium, iyo kuwa kale oo badan  ay qaaradda Afrika qaybsadeen, iyaga oo ka faa'iideysanaya kheyraadka dabiiciga ah burburinaya dhaqaalaha gudaha dalalkii ay kusoo duuleen.  

Cilmi-baarisyada  ayaa tilmaamaya saameynta ba'an ee ee gumeysiga Yurub iyo addoonsigii dadyowga Afrika inay tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee sababay horumar la'aanta Afrika.  

Warshadaha maxalliga ah ayay burburiyeen gumaystuhu, horumarinta kaabayaasha dhaqaalahana waxay ku jihaysnaayeen soo dhoofsashada kheyraadka halkii laga horumarin lahaa wax-soo-saarka gudaha iyo isku filnaasho gudeed  (Rodney, 1972). 

Nidaamyada waxbarashada ee gumaysiga ayaa badanaa diiradda saaray soo saarista shaqaale u adeega iyaga halkii laga dhiirrigelin lahaa fikir naqdiga  iyo hal-abuurka. Sida uu Achille Mbembe ku tilmaamay buuggiisa "On Postcoloniality," waxay abuurtay farqi weyn oo waxbarasho oo u dhexeeya gumaystayaashii iyo kuwa la gumaystay, taasoo xaddiday awoodda Afrika ee horumarinta teknoolojiyada iyo hal abuurka, xitaa ka dib markii ay xoroobeen. Gumaystuhu wuxuu wax baray inyar oo isaga danihiisa u fulisa, dadka u turjunta afkaartiisana raacsan, oo xitaa markay ay ka baxeen wadamadii ay gumaysanayeen ay iyagu wakiili iyo madax uga dhigteen. Waa kii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu ku yiri gabaygaan: 

 

Isticmaarku meeshuu ka kaco, arami baa taale 

Ragguu sii ababsaduu si dhigtaa. kaalintii adage 

Irbaddiisu waayaha dambey, eebo kicisaaye 

Waa waxa Afrikaba qarribey, ubax dillaacilye 

Awoodihii gumaysiga ayaa sidoo kale xariiqay xuduudo iyagoo aan wax tixgelin ah siinin qowmiyadaha iyo shacabkii wada noolan jiray ee hore u jiray. Taasi waxay keentay xiisado qowmiyadeed, muranno xuduudo, iyo khilaafaad rabshado wata, kuwaas oo carqaladayeyay iskaashiga gobolka iyo isku-dhafka dhaqaale ee Afrika.  

  1. 5. Faragalin Shisheeye  

Faragalinta wadamada shisheeye ee arrimaha Afrika, ka dib xilligii gumaystaha, ayaa iyana caqabad wayn ku ah horumarka Afrika. Ka dib hirkii xornimada qaaradda 1950-1960, dagaalkii qabooba ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo midowgii Soofiyeetka ayay Afrika noqotay mar kale xarun dagaal oo ay ku loolamaan dowladahaan iyada oo ay la jirsanayaan ama ka soo horjeesanayeen talisyadii iyo dowladihii Afrika ka jiray hadba tii ay danahooda ka dhex arkaan ama ay ka waayan. Faragalintaasu waxa ay sababtay inay soo shaacbaxaan xukunno kaligii-talis ah iyo dagaalo badan oo qaarada ku habsaday taasoo diiradda ka leexiyay dadaaladii horumarineed ee qaaraddu hiigsan lahayd.  

Ka dib dagaalkii qaboobaa,  quwadihii lolamayay markii mid laga adkaaday oo ay meesha ka baxday tii soo hartay oo ay awoodda ku kaliyaysteen (reer galbeedka uu Maraykan hoggaamiyo) waxay u bareereen in ay danahooda si toos ah uga fuliyaan dunid kale ee taagta daran oo Afrika hormuudka u tahay, iyadoon wax tixgalin la siinaynin danaha dalalka yaryar ee aan awoodda lahayn. Waxaa loo bareeray in la isu muquuniyo ama loo kala faaidaysto sida loo kala awood badan yahay. Waxaa lagu dhagaaqay olole caalamiyayn (globalization) kaa oo dulucdiisu tahay hodontinimada dalalka hodonka ah oo degdeg cirka loogu sii shareero iyo saboolnimada kuwa saboolka ah oo sagxadda hoose lagu sii haayo (Maxamad D. Afrax, 2002). 

Dagaalkii qabooba ka hor iyo ka dibba Afrika waxay u saamaysay laba qaab oo kala duwan oo kala daran. Faragalinta ay waxay kusoo galaysay qaaradda qaab kaalmo iyo caawinaad ah ama qaab nabad ilaalin ah. 

Tusaalaha ugu dhow aan kusiin karo waa Soomaliya. Maahmaah carbeed ayaa tiraahda "marka dibigu dhulka ku dhaco middiya-la-yaacu wuu bataa". Soomaaliya markay dhabarka ka jabtay ee dhulka ku dhacday dunida dibaddu way ku soo yaacday. Afka waxaa laga wada lahaa “cawimaad baan ugu socdaa, kicinteedaan gacan sinayaa". Arrintuse taas waa ay ka badalnayd. In kastoo ay jireen haya'do ugu soo gurmadey sama-fal dhab ah, haddana waxaa badnayd inta luggooyada u timid. "Dartay uma soo lug go'in!" (Hadraawi). Waxaa jirey qaar u ordayey in ay qabri ku hubsadaan qarankaan dhig-baxaya. Qaar kale dantoodu waxay ahayd in ay markabka jabay faagtaan ama musibada dalkaan heshay maal-urursi uga faaidaystaan (Maxamad D. Afrax, 2002). 

Dagaal-wadeenkii Soomaaliyana, gulufkii Maraykan hoggaaminayey ee UNOTAF io UNOSOM dal ay ka xoreeyean daaye, iyaga ayaa xoojiyey, xoolo aan xisaab lahayn ku daldalay, una xalaaleeyay ama u sharciyeeyey sii-gubiddii iyo luggooyadii ay ku hayeen dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdaas waxaa buugaag iyo qoraallo kala duwan ku caddeeyey cilmi-baarayaal badan oo aan Soomaali ahayn.  

Soomaliya kaliyana maahane dalal badan oo Afrika ah ayaa waxaa ragaadiyay oo ilaa maanta ay la dhaaladhacayaan dhibtaas oo kar horumar ay gaaraan daaye.  

Gabagebo  

Shaki la'aan, raadadka gumaysiga iyo addoonsiga iyo saamayntiisii waxay ahaayeen caqabado waaweyn oo Afrika ka hor istaagay inay horumarto sida asaageed uu u hormaray laakin 100% masuul kama ahan dib u dhaca iyo horumar laanta Afrika. Taas waxaa cadayn u ah in wadamo sida Ethiopia oo kale ah oo aan la gumaysanin waligeed aanay wax dhaaxa uga duwayn wadamada kale ee Afrika ama ay kaba hoosayso markii lala barbardhigo wadamo badan oo la guumaystay oo qaarada ah. Si kastaba ha ahaatee, waddamada iyo dadka Afrikaanka ah sidoo kale waxay leeyihiin mas'uuliyad wayn oo ku aaddan go’aanadii siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho kuwaas oo ay sameeyeen  kadib markii ay xornimada qaateen. Arrimaha sida musuqmaasuqa, xasilooni darrada siyaasadeed, maamullada fadhiidka ah, waxbarasha laa'anta iyo “kursi-ku-dhegga” madaxda Afrika ayaa door weyn ka ciyaaray horumar la’aanta ay Afrika maanta la dhaaladhacayso. 

Waa Maxay Xalka Afrika? 

Dalalka afrika waa in ay  horumariyan nidaamyadooda maaliyadeed, xoojiyaan hay'adaha dawladda, waa in ay si buuxda oo dhamaystiraan ula dagaallamaan musuqmaasuqa ragaadiyay qaaradda, sidoo kalana ay dhiirrigeliyaan maalgashiga gudaha iyo dibadda si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo horumarinta bulsho ee Afrika. Dalalka Afrika waa inay gabi ahaanbaa iska laabaan albaabka faragalinta wadamada shisheeye. Hadii caawinadda shisheeye iyo jihayntoodu  ay tahay mid horumar lagu gaarayo Afrika waxay ahaan lahayd qaaradda ugu hormarsan adduunka. Waa tii uu abwaan Gaarriye lahaaa  

Nin "dawee" la leeyahay, Dambi uụ bar leeyahay 
Xalka "doon" la leeyahay, Isagay u darantoo 
Inuu daaro ma oggola, deebaanta mililka leh. 

Dalalka Afrika waa inay baahiyaan waxbarsho oo tayo leh si ay u yaraato xaaladda faqri ee qaarada ka jirta.  

 

 


Tixraac  

Transparency International. (2022). Corruption Perceptions Index 2021. 

Bangiga Adduunka. (2019). World Development Report 2019: The Changing Nature of Work. Washington, DC: World Bank. 

Bangiga Adduunka. (2017). Fragility, Conflict & Violence.  

Rodney, Walter. (1972). How Europe Underdeveloped Africa. Howard University Press. 

Center for Systemic Peace. (2021). Coups d'État, 1946-2020.  

McGowan, P. J. (2003). African military coups d'état, 1956–2001: Frequency, trends and distribution. The Journal of Modern African Studies.  

Østby, G., & Urdal, H. (2010). Education and Civil Conflict: A Review of the Quantitative, Empirical Literature. UNESCO. 

Maxamad D. Afrax (2002). Dal Dad Waayay Iyo Duni Damiir Beeshay: Soomaliya Dib Ma Usoo Dhalan Doontaa. Maji Matuma Printers Ltd. 

 


Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival