Kulliyadda Waxbarashada: Ma u qalantaa in aad doorato?

 




“Education is a profession where you can see the impact that you are having on the world around you. You also get to grow with your students, as they learn, you learn, too. There aren’t many professions out there that allow for that.”-Nickolas M.


kulliyada waxbarashada waa mid ka mid ah kulliyadaha ugu qadiimsan caalamka. Ujeedada ugu muhiimsan ee kulliyada waa inay soo saarto macalimiin, maamulayaal iyo howlwadeeno waxbarasho kuwaasoo ka shaqeeyo hagaajinta iyo dib u dhiska waxbarasho bulsho walba. Kulliyada waxbarashada waa dooqa ugu wanaagsan qofka aad u jecel arrimaha waxbarasha jecelna inuu sameen ku yeesho hormariyana nolosha dad kale. 

 

Maqaalkan waxaa kusoo gudbin doonaa fursadaha kulliyadada iyo sababaha ay tahay in aad ku doorato. 


  1. 1. Saamaynta dadka kale: Ugu horeeyn qofka ka baxa kulliyada waxbarashada wuxuu fursad u helayaa inuu saameyn ku yeesho nolosha dadyow kale, isagoo barbarinaya hagayana jiilka dambe iyo hogaamiyaasha barrito iyadoo macalinimadu ay tahay meesha kaliya ee laga qaabeyo sida ay u ekaanayan jiil walba oo soo koraya. tusaale immisa macalin ayaaa jirto oo adiga saamayn togan kugu yeelatay? immisa hadal ama talo ay ku siiyeen ay badashay noloshaada ama xaalad aad ku sugneed? taas waa saamaynta iyo hayi kicinta aan ka hadlayno oo uu macalinku subax walba uu fursad u helo. 

 

  1. 2. Fursado badan oo ka banaan: Fursada iyo sababta labaad ay tahay inaad ku doorato kulliyada waxbarashada waa in ay jirto baahi dhanka suuqa ah oo aad u wayn oo loo qabo macalimiin, maamulayaal iyo howlwadeeno waxbarashada ka shaqeeya iyadoo wasaarada waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare aya sanadkan shaqaalaysiisay 3,000 macallin. waxaana xaqiiqa ah in wadanka maanta wasaradihii iyo hay'adihii waxbarashada ee loogu talagalay inay ka shaqeeyan dad takhasusaad kulliyada waxbarashada ah heysto ay ka shaqeeyan dadyow kale oo heysta takhasusad kale oon ahayn kulliyada waxbarashada sababto ugu wayna ay tahay in aanay jirin dad badan oo kulliyada soo saarto. wasaarada waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare aya sanadkan shaqaalaysiisay 3,000 macallin

 

  1. 3. kulliyada waxbarashada kaliya kuma koobna macalinimada: inkastoo ay macalinimadu tahay aasaaska kulliyada hadana hadii aad ka qalinjabisidna kuma qasbanid kaliya inaad macalin noqoto oo waxa jiro takhasusyo fara badan oo uu qofku dooran karo sida qorsheynta manaahijta (curriculum planning), hogaaminta waxbarashada (educational leadership) iyo kuwo kaloo badan sida Educational consultant oo ah in qofka uu doorto inuu noqdo la taliye dhanka waxbarashada ah isago tala siinaya hay'adaha iyo macaahida waxbarashowaxaana u furan qeybo iyo feilds-ka kala ah, Special Education, Adult Education, Education Research iyo kuwoo kale badan. 

 

kulliyada waxbarashada ina ka baxdo micnaheeda maahan shaqo inaa iska helaysid, waa sax suuqeedu cariiri maahan oo waa laga yaaba inaa shaqo hesho laakiin waxa shaqadas kugu heynaayo aya waxay tahay waqtigii aad galin jirtay iyo xirfadaha lagu baray ama aad is bartay ee muhiim u ah markii la joogo xilliga shaqada iyo ka go'naahaashaga (commitment) aad u leedahay inaa wax soo kordhiso. Dhamaan kulliyadaha kalana waa la mid, hadii aad ka qalinjabiso kulliyada caafimaadka maahan micnaheeda dhaqtar fiican inaa noqonaysid waxa muhiimka ah waxaa waaye maleedahay xirfadihii dhaqaatiirta looga baahna. Qofka sanado is xigxiga wuu tagi karaa fasal, xiisado wuu qaadan karaa sidoo kalana imtixaana wuu ku baasi karaa laakiin micnaheeda maahan qofkaas inuu yahay aqoonyahan qeybtaas ama feild-gaass uu ka baxay loogu soo hirto balse in reality waxaad waqti galiso, raadiso kuna xeeldherato yaad si fiican bulshada ugu adeegi kartaa magac iyo maamus uga dhex yeelan kartaa. 

 

Kulliyada waxbarashada waa hooyada kulliyadaha oo wax-soosaarkeeda, macalinka ayaa soo saara engineerada, dhaqaatiirta iyo dhamaan howlwadeenada iyo u shaqeeyasha bulshada. waa saldhiga iyo gundhiga kobaca bulsho walba wayna mudantahay in la barto, waqti la galiyo laguna xeeldheerado. 


"Waa maayad biyihii macaan miida daadisa e
Maandeeq sideedii ayuu maqasha koriyaaye
Martidiisa wuu soorayaa waa markhaati la’e
Inu maganta daadihin yaqaan uunku wada maqalye
Maamiyo adoogeen kadib mudanka weeyaane
Madadaaliyuu noo yahoo waa murtina daadshe
Abaalkuu mutaystaan marnaba cidi maleyn karine
Waa lagama maarmaan bulshadu ay u muhataaye
Markab weeye lagu haafo bado mawjadaa kaca e"-Siciid Maxamuud Gahayr.


Noo reeb faaladaada.

Mahadsanidiin.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival