HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

 





“Wixii qoran baa qaruumo haree,  

Muxuu hadal qiimo leeyahay.” 

 

Maanta waxaa muddo sanad ah laga jooga markii aan daabacay maqaalkaygii ugu horeeyay. Bishii June 2023 ayay ahayd markii aan daabacay “Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska  Waxbarasho Toosta.”  oo ahaa maqaalkii ugu horeeyay ee aan daabaco. Markii aan bilaabay blog-kan sanad ka hor, ma aanan filaynin sida uu maanta yahay inu noqon doono sanad ka dib. Sidoo kale, inuu intaan oo aqris ah helo marnaba ma filaynin!  

Muddadii sanadka ahayd, waxaan daabacay 14 maqaal oo kala duwan, kuwaas oo ku saabsanaa mowduucyo kala geddisan oo xiiso leh. Mowduucyada aan wax ka qorayay waxay u badnayeen waxbarashada, akhriska iyo doodaha siyaasaddeed. Muddada sanadka ah ee aan wax qorayay  waxaa ii suurta gashay ballaariyo aqoontayda iyo fahamkayga ku saabsan mowduucyadaas.   

Waxaan aad ugu faraxsanahay in ka badan 1500 oo aqris la aqriyay maqaalada aan daabacay sannadkii la soo dhaafay. Tiradaasi waxay ii ahayd dhiirrigelin weyn, sidoo kalana shidaal iyo tamar aan ku sii wado qorista oo aan mar walba horumariyo tayada iyo nuxurka qoraalada aan daabaco.   

Maqaallada aan sanadkan daabacay waxay iga caawiyeen inaan bulshada usoo gudbiyo fikradaha ii gaarka ah iyo aragtidayda ku saabsan arrimo badan oo muhiim ah. Maqaallada aan daabacay waxaa ka mid ah: 

  1. Xanaanada Caruurta: Gundhigga Iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta. 
  2. Artificial Intelligence(garaad Macmalka) Iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan. 
  3. Afarta Sharci Ee Caado Samaynta: James Clear 
  4. Dhambaaladii Dhimashada! (Sheeko Gaaban) 
  5. Kulliyadda Waxbarashada: Ma U Qalantaa In Aad Doorato? 
  6. Naf-la Hadalka! 
  7. Hababka Waxbarista 
  8. South Africa Iyo Isreal: Maxkamadda Icj Ee Hague 
  9. Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator! 
  10. "Teacher Man" By Frank Mccourt 
  11. Dal Dad Waayay Iyo Duni Damiir Beeshay-faallo Buug 
  12. Manifesto Group: Somalia’s Last Chance For State Survival 
  13. Waa Maxay Dastuur? Abdirahman Abdishakur Iyo Barnaamijka Wacyi 
  14. 10-ka Astaamood Ee Lagu Garto Baraha Wanaagsan 

 

Maqaaladan iyo xogaha aan daabacay waxay ii ahayd safar dheer oo aan ku helay waayo-aragnimo iyo aqoon cusub oo dheeri ah. Muddada sanadka ah ee aan wax qorayay  waxaa ii suurta gashay inaan ballaariyo aqoontayda iyo fahamkayga ku saabsan mowduucyada aan wax ka qoray.  

Muddada sanadka ah waxaa wax badan iiga siyaaday hab-qoraalka toolmoon, sida loo xusho mowduucyo xiise leh, iyo sida loo sameeyo cilmi-baaris sax ah oo qotodheer, si maqaalada aan soo gudbinaayo ay u noqdaan kuwa cilmi- baaris ku salaysan (research-based). Tani waxay ahayd waayo-aragnimo ii sahashay in aan horumariyo xirfado badan oo anan lahayn sanad ka hor.   

Sanadkaan soo socda, waxaan qorsheynayaa in aan sii kordhiyo tirada maqaalada aan qorayo iyo sidoo kale in aan sameeyo isbedelo waaweyn oo ku saabsan nuxurka iyo tayada qoraalladayda aan soo gudbinayo  

Saaxibayaal, Akhrintiina, faallooyinkiina, iyo taageradiinaba waan idin ogahay, waana idinkaga mahadcelinayaa; aad bay ii dhiirigeliyeen. 

Qof kasta oo ku haminaya inuu wax qoro, waxaan kugu dhiirigelin lahaa inaad maantaba bilawdo si aad u soo bandhigto, bulshadana ula wadaagto codkaaga iyo afkaartaada. Ha ka baqin inaad fikradahaaga soo bandhigto - abaalmarinta aad ka helaysaa ayaa ka badan waxa aad ku waynaysid. Talaabooyinkan hadii aad qaado waxa aan aaminsanahay in ay wax badan kaa caawin doonto: 

  1. Ku bilow adigoo dooranaya mowduucyada aad si dhab ah u xiiseyneyso, wax ka qor mowduucyada aad jeceshahay inaad aad uga hadasho, Marka aad hesho mawduuc aad xiiseyneyso, waxaa kuu fududaan doonta inaad mowduucas wax ka qorto adigoo aan ku caajisin sidoo kalana aan ku daalin; 
  2. ka dibna ka shaqee inaad horumariso xirfadaada qoraalka si aad si wax ku ool ah u gudbiso aragtidaada. Akhri qoraallo badan, buugaag, iyo blogs kale si aad u barato qaababka kala duwan ee wax loo qoro; 
  3. Tan ugu muhiimsan, raadi oo u furfurnaaw oo aqbal talooyinka dadka kale. Jawaab celinta akhristayaashaada waxay muhiim u tahay horumarinta qoraalkaaga. U isticmaal talooyinka si aad si joogto ah u horumariso shaqada aad soo gudbinaysid. Ha ka baqin dhaleecaynta wax dhisaysa; taa beddelkeeda, u qaado fursad aad wax ku baranayso oo aad ku kobcinayso xirfadaada. 

Inta aad wax qorto, ayay kalsoonidaada iyo saameynta codkaagu sii kordhi doonaan. 

Gebogebadii, sanadkan koowaad wuxuu ii ahaa mid guul ah oo aan ka kororsaday waayo-aragnimo badan. Waxaan rajeynayaa in sanadkan soo socda uu noqon doono mid ka sii wanaagsan oo aan ku gaaro yoolashayda qoraalka. Waxaa halkaa inooga bilaabanaya sanad labaad oo guul ah oo aan wada joogi doonno.  


Mahadsanidiin.

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival