DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG


 

Degso PDF

Buuggan sal-dhiggiisu wuxuu ka soo jeedaa qoraal xagaagii 2002da ku faafay qaar badan oo ka mid ah shabakadaha internet-ka Soomaalida, sida Somalitalk, Somaliawatch, Soomaaliweyn, Ruunkinet, Gacal. Galguduud, Balcad iyo kuwo kaleba. Waxaa kaloo taxane ahaan loogu daabacay wargeysyo kala duwan oo ka soo baxa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, sida Ayaamaha oo Xamar ka soo baxda iyo Kasmo oo London lagu daabaco. Qoraalkaas, oo lagu tilmaamay kii noociisa ugu faafidda badnaa inta la xasuusto, halkudheggiisu wuxuu ahaa, Gayi gablan ah, Gacal gurmad ah iyo Nacab guluf ah: Soomaaliya godka ma ka soo bixi doontaa? Buuggan waxaa qoray waa allaha u naxariistii Maxamad Dahir Afrax, qoraaga sheeka faneeddaMaanafaay”. 

Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa qoraa suugaanta allifa, sheekooyin Daabacan iyo riwaayado leh; isla markaana faaqida fanka, gorfeeyana waxsoosaarka halabuur ee dhiggiisa, siiba masraxa; suxufi iyo mutacallin daraaseeya dhaqanka iyo waayaha bulshada; raadna ku leh qalinka iyo halabuurka Soomaalida1. Afrax kolkii hirgelinta farta Soomaaliga laga joogay muddo ka yar lixdan maalmood uu noqday qofkii u horreeyay ee soo saara wargeys madax bannaan oo ku qoran Af Soomaali fartiisu tahay tan la hirgeliyay2 

Dad badan oo ka mid ah akhristeyaashii jeclaystay ayan waxay soo qoreen fal-celis (feedback) isugu jirey dood-wadaag, bogaadin iyo tala-bixin. Talooyinka waxaa ka mid ahayd in qoraalka buug ahaan loo daabaco si uu akhriskiisu u sahlanaado una waaro. 

Buuggu waxa uu ka koobanyahay shan waaxood oo fasiraya cinwaanka guud ee buugg oo ah “Dal dad waayay iyo Duni Damiir Beeshay: Soomaliya Dib ma usoo Dhalan Doontaa? Buugga waxaa uusoo bandhigayaa, waxa dumiyay dowladnimadeena, waxa na isku kaaya diray ee fidneeyay dhamaan heshiisyadii la isku soo afgartay iyo cidda ka mas’uulka ah musiibadan ummada ku habsatay. 

waxa na isku kaaya diray ee fidneeyay dhamaan heshiisyadii la isku soo afgartay iyo cidda ka mas’uulka ah musiibadan ummada ku habsatay. 

Waaxda koowad ee uu qoraagu ugu magac daray Dal dadkiisii gabay”, waxa uu  ku xusayaa sida soomaliya uu u eebbe ugu mannaystay dal hodan ah, oo leh  cimilo wanaagsan iyo kheyraad dabiici ah, laakiin uusan ugu mannaysan dad yeesha xigmadii iyo degganaantii ay uga faaidaysan lahaayeen. 

Qoraagu waxa uu waaxdan ku sheegayaa, sida ay soomalida u noqotay ummad gablan ah, ummad ka gablantay in ay dhasho gar-wadeen waddo toosan mariya iyo waxgarad u heellan ilaalinta danta ummaddeeda, iyo sida ay u noqotay dal waayey wax damiir iyo karti u yeesha gudashada waajibaadka kor ku sheeggan, sidaa ayuu leeyahay in ay baylah ugu noqotay burburinta nacab iyo maan-gaab is-garabsaday, gude iyo dibadba. 

Qoraagu waxa uu soo bandhigayaa sida magicii beri lagu faani jireySoomaali”  la dhaxalsiiyey in uu noqdo wax tusaale loogu soo qaata liidnimada iyo ilbaxnimo la aantu heerka ugu hooseey ee ay gaari karto. 

Qoraagu bulshadu mar waxa  uu qaybinayaa rag iyo dumar, burburintii dalkana ragga ayuu masuuliyadeeda saaraya, mar waxa uuqaybinaya carruur iyo waayeel, dagaalkii sokeeye waayelkaa ayuu dambigiisa saarayaa; mar wuxuu  qaybinaya reer miyi iyo reer magaal, ficilkii  xuma ee  dhacay cidda u eedda saarayaa waa reer magaalka 

Tan ugu muhiimsan, dadka waxa uu u kala saarayaa laba qaybood, garwadeen iyo la-wadeen. Garwadeenka waxa uu leeyahay waa inta wax hogaamisa, la-wadeenkuna waa dadka caadiga ah ee la hogaamiyo, shicibwaynaha. Garwadeenka ayuu usii kala qaadayaa seddex qolo: 

  • Gar-wadeenka siyaasadda 
  • Gar-wadeenka fekerka 
  • Gar-wadeenka dhaqaalaha 

Qoraagu, burburka iyo eedda waxa uu dusha u saarayaa gar-wadeenka qaybihiisa kala duwan, waxa uuna leeyahay la-wadeenku eed wayn kuma yeelanayo. Qoraagu wuxuu leeyahay soomalidu waa ummad ku guuldaraysatay inay dhasho hormuud ama gar-wadeen leh karti iyo daacadnimo dal lagu hogaamiyo. Waxa uu leeyahay in wixii ka dambeeyay raggii iyo dumarkii SYL iyo SNL Soomaliya ay ka dhalmo deysay hanaddo u qalma hogaamin umadeed, hankooduna gaarsiisan yahay heerka ah inay qaran dhisaan taariikhdana galaan. 

Qaybtaan waxa uu ku dheeranayaa oo uu falanqaynayaa karti-darrada Soomalida iyo damiir xumada hoggaamiyaasheeda siyaasadda doorka ay ka qaadatay dumintii dalka iyo darxumada ilaa maanta taagan. 

Waaxada labaad oo uu qoraagu ugu magac daray Dibindaabyada dibadda, waxa uu ku dheeraanayaa faragalinta dibadda ee ku wajahan sii kufinta iyo kala furfurka ummada soomaaliyeed ee taagta daran. Qoraagu wuxuu leeyahaySoomaliya waa dal ay burburintiisa iska kaashadeen damiir laanta siyaasiintiisa, daamanaanta shacabkiisa iyo dibindaabyo shisheeye uu la daba joogay muddo qarni ah”. Waaxdaan waxay sawir kooban ka bixinaysaa gacanta dibadeed ee sida dadban uga shaqaynaysa luggooyada Soomalida, iyadoo soo koobaysa dhacdooyinkii dhowr iyo tobankii sano ee u dambaysay. 

Afrax waxa uu waaxdan ku leeyahay in wixii dhismihii Soomaliyeed dumiyay ay ahaayeen dubbe shisheeye tumay, daab Soomaali ah la galiyay, dumiyayaal Soomali ahna loo dhiibay. Hadii si kale loo fasiro, cagafcagafta Soomaliya lagu burburiyay wixii ka harayna lagu sii dabar goynaayo waxay leedahay summad Soomaliyeed (qabyaalad), darawalka wax ku burburinayana waa soomali; hasayeeshee cagaftan cidda samaysay ee batroolka ku shubtay, lugtii banjartaba mid cusub ku badalaysa, darawalkana mushaar siinaysa waa ajanabi. Waa runtii, waxa Soomalida qalabka iyo hubka iskugu dhiiba waa ajnabi, waxa marwalba oo ay heshiis ku dhawaadan kala irdeeya waa ajnabi, waxa marwalba oo ay rajo usoo iftiinto qaranimada Soomliyeed in ay dib usoo noolaato waa ajnabi, cidda uu usoo marayayanaa waa maangaab Soomali ah. Sidoo kale, waaxdaan waxa uu uga hadlaya gacanta  Itoobiya ee is-hortaagga dowlad mid ah oo ka dhisanta Soomaaliya. 

Waaxda seddexaad oo uu qoraagu ugu magac daray  "Damqashada jabuuti: Dadaal diiwan galin mudan" waxay tooshka ku ifinaysaa kaalinta jamhuuriyadda  Jabuuti kaga jirto furdaaminta mixnadda Somaliya. Dirassaddu waxdaan waxay ku far-fiiqaysan sida Jabuuti uga damqatay dhibaatada Soomaalida iyo naf-hurka aan dhiggiis la arag ee ay nafta ag dhigtay in dadka Soomaaliyeed la isu keeno la heshiisiiyo lagu caawiyo in ay dowlad dhistaan 

Qoraagu waxa uu waaxdaan ku leeyahay “Reer Jabuuti waxay u guntadeen gurmad badbaadin ah oo ay dadka Soomaaliyeed ugu muujiyen diir-nax sokeeyenimo. Tallabadaasi waxay aad u ruxday shucuurta bulsha- weynta Soomaaliyeed. Waxay dadka ku dhalisay lahasho ehelmimo oo aad duxday lafta iyo diirka. Shucuurta nuucaas ah shacbiga Soomaaliyeed wuxuu ku muujiyes banaanbaxyo taageero ah, qoraallo tala-kordhin ah iyo mowjado suugaan ah oo mar qura ka soo burqatay hal abuur ay laabtooda ruxday laydha cusub ee yididiilada Jabuuti ka bidhaantay.” 

Isla qaybtaan qoraagu waxa uu kagaa hadlaaya shirkii carta, wixii lagu guulaystay iyo wixii laga dhaxlay. Waxaa uu kaga hadlaaya sida jabuuti ay u noqotay sokeeye cid walba kaga dhow Soomaliya. Sidoo kale, waaxdan wuxuu ku sheegayaa wixii ka qaldamay shirkii carta ee rajada u ahaa malaayin soomali ah. 

Waaxda afaraad ee uu qoraagu ugu magac darayTijaabadii dowladii KMG” waxa uu kaga hadlayaa wixii ay soo kordhisay dowladii ku-meel gaarka ahayd, ee uu leeyahay waxaa ka mid ahaa: 

  1. Dib usoo noolayntii dimuqraadiyadii la ilaaway 
  2. Dib u yagleelkii haya’dihii qaranka 
  3. Dib-u-dhalintii dareen dowladnimo 

Sidoo kale, wuxuu waaxdan ku falaqaynayaa waxyaabihii ay ku guul-darraysatay oo uu u qodobaynayo sidatan: 

  1. Fursado badan oo la dayacay, oo ay ka mid tahay taageradii shacabka ee aadka u balaarnayd 
  2. Xasilin-waaga nabadgelyada Xamar, oo ahayd aaga qura oo ay gaartay dowladii KMG ahayd 
  3. Soo celin laantii hantidii dowladda 

Qoraagu wuxuu isla waaxdan kusoo bandhigaya sababaha guuldarrooyinka keenay oo uu leeyahay waxaa keenay: 

  1. Dhaqaale la’aan 
  2. Jawi Aan lagu shaqayn karin oo ay dowladu la kulantay markii calanka xamar lagu celiyay 
  3. Dhabar jabin cadow iyo majaaxabintii dowladii Itoobiya iyo hogaamiye kooxeedyadii kala hor yimaadeen DKMG ah 
  4. Qabiil Qaran dhisi waa, sababaha keenay guuldarrooyinka DKMG ah waxa uu leeyahay waa qabiilka nuxurka looga dhigay qalfoofka dowladnimada 
  5. Gar-wadeen xumo: Qoraagu wuxuu leeyahy "Hadday ummaddani gebi ahaan ka dhalma-deysey gar-wadeen loo aayo, DKMG ah ma cirkay ka keenaysaa mise carri shisheeyay ka soo waaridaysaa curaddo bac ku jira". Afrax wuxuu ku doodayaa in  Raggii loo dhiibay hoggaanka DKMG ah aanay noqon kuwo gurya-samo u rara. 

Dhamaadka cutubka, Afrax wuxuu soo bandhigayaa in loo hagar baxo dhismaha dowlad leh tilmaamahaan: dowlad midnimo qaran, loo wada dhan yahay, caddaalad iyo tala-wadaag ku dhisan, hoggaan wadareed leh (collective leadership), sharciguna cid walba ka sarreeyo. 

Waaxda shanaaad una dambaysa buugga oo qoraagu ugu magac daray Soomaliya dib ma usoo dhalan kartaa?” Waxay ka jawaabaysaa suaasha wayn ee ah Soomaliya dib ma usoo dhalan doontaa, mise sida ay u dhimatay ayay u bas-beeli doontaa 

Afrax wuxuu leeyahayhaddaan ognahay dal kasta cidda daryeeshaa in ay tahay dadkiisa uun, aragnayna baaxadda burburka ku dhacay dadnimadii dadka Soomaaliyeed; dadweyne wuxuu noqon lahaaba haddaan aragnay heerka uu gaarsiisan yahay habaarka hoggaan- xumada Soomaali haysata; hadday fara-galintii dibaddu u badatay hagardaamo iyo hoosaasin, cid wax kuu qabanaysaana jirin ilaa la arko in aad adigu leedahay karti iyo miigganaan aad wax ku qabsato; haddii ciddii dadaal isku daydaba lagu fashilinayo maja-xaabo dibadeed iyo maan-gaabnimo Soomaali ku badan; hadduu xaal sidaa noqday Soomaaliya rajo ma leedahay? Ma dhici kartaa in ay dib u dhalato yeelato jirtaan wadareed (collective existence) waara? Jiritaan wadareed oo ay astaan u tahay dowlad qaran (rational governareed oo dalka wada matasha dantiisana u taagan?” Qoraagu intaa wuxuu kaga jaawabayaaHaaiyo ‘Maya’. Mar wuxuu leeyahay waaHaaoo inta ay nololi jirto rajana waa jirtaa. Marna waa ‘Maya’ oo hadii sida hadda wax lagu wado lagu sii dhaqmo, aan la badalin habka loo fikiraayo, hadaan la helin caqli yiraahdohala joojiyo in dawo ahaan loo sii cabbo suntii loo dhintayjawaabtu waa cadahay oo waa maya. 

Maxamad Dahir Afrax wuxuu cutubkan ku doodayaa in waxa soomaliya halkaa dhigay ay tahay aafo seddex geesood ah: 

  1. Damiir-xumada iyo daymo-gaabnida gar wadeenka hor boodaya hoggaanka siyaasadeeda 
  2. Qabii-caabudka lagu wada indho layahay; iyo  
  3. Gacan shisheeye oo ka faaidaysanaysa labadaas, si daahsoonna uga hortagaysa in tallaabo hore loo qaado 

Afrax wuxuu soo jeedinayaa in waxa loo baahanyahay aanay ahayn dowlad dhalanteed oo maanta la dhoodhoobo berrina noqoto ma dhalays, in waxa loo baahanyahay aanay ahayn saxiixid heshiish munaafaqnimo iyo maangaabnimo ku dhisan, ee waxa loo baahanahy ay tahay isbeddel dhab ah. Is beddel dhan walba oo looga guuro dhibta iyo dulliga uu dadkani ku suganyahay. 

Ugu dambayntii cutubka, Afrax waxa uu ku talinayaa in la abuuro ama la abaabulo dhaqdhaqaaq maskax furan (enlightened movement) oo dadka danta u haga iyo dhaqdhaqaaq wadani ah sida kii leegada oo wacyi qaranimo abuura, dadkana ku hogaamiya wadada saxda ah. Wuxuu soo bandhigayaa in dhaqdhaqaas uu ku bilaaban karo shirwayne aqooneed ama aqoon is waydaarsi qaran oo socda muddo dhowr toddobaad ah  kaaso lagu abuurayo laguna dajinayo qorshaha waxqabad ee dhaqdhaqaasi ku howlgali lahaa. 

Buuggan wuxuu u qoran yahay hab aan aqriskiisa lagu caajisaynin laakiin marba marka ka dambaysa aad sii qaadaysid xiiso ah inaad bogatid nuxurka buugga. Buuggu wuxuu kuu siyaadinayaa waayaragnimo balaaran oo ku aadan waxa dalkeena burburiyay ilaa haddana u diidan in si iskiis ah cagaha iskugu taago. Buuggu wuxuu noo iftiiminayaa dunta dhibka Soomaaliya ku habsatay, waxaana uu dhamaadka soo jeedinaya talooyin ay tahay in sideeda loo raaco si wax badan qaabka ay wax yihiin hadda wax uga badalmaan. Waxaa hubaal ah in iyadoo laga joogo muddo ku dhow 22 sano xilligii buugga la qoray, ay ilaa hadda jirto waxyaabo badan oo uu buugga uga dhex hadlay Afrax, Allaha u naxariistee.  

Waxaan usoo jeedinaya qof walba oo ay fariintani soo gaarto in uu aqriyo buuggas, u dhugto, si fiicanna u dhuuxo micnaha iyo fariinta dhabta ah ee uu gudbinayo. 


Tixraac

1Wordpress, “Afrax xilkas kaalin galay” Nov 11, 2021. URL: https://aragtixora.wordpress.com/2021/11/09/afrax-xilkas-kaalin-galay/ 

2AGA, “Kumuu ahaa Qoraagii ugu Horeeyay ee Af-Soomaali wax ku Qora,” Oct. 5, 2018. URL: https://aga.so/so/kumuu-ahaa-qoraagii-ugu-horeeyay-ee-af-soomaali-wax-ku-qora/ 

 

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival