Posts

Showing posts from April, 2024

10-KA ASTAAMOOD EE LAGU GARTO BARAHA WANAAGSAN

Image
Markii la joogo xirfadda macallinimada, macallinna macallin kale ku sifo iyo astaan maahan, waa kala dhaqan iyo kala dabeecad duwanyihiin dhamaan macallimiinta, midna dhaqankiisa iyo dabeecadiisa ayaa lagu jeclaada in ka badan kuwa kale, midna waa lagu dhibsadaa. Waxaan maqalkaan kusoo gudbin doonaa tiro 10 astaamood ah oo aan u arkay inay tahay astaanta iyo summada lagu garan karo macallinka wanaagsan. Macallinka ama baraha wanaagsani  waa kan leh: 1. Aqoon qoto-dheer oo dhanka maadada ah: macallinka ama baraha wanaagsani wuxuu si qoto dheer u fahansanyahay maadada uu dhigaayo, wuxuuna si la mid ah yaqaanaa habka ugu wanaagsan ee uu ku gudbin lahaa aqoontaas. Baruhu hadii aqoonta uu uleeyahay maadada uu dhigaayo ay liidato, waxaa ku adkaanaysa in uu ardayda gaarsiiyo aqoonta maadada ay u baahnaayeen. 2. Aqoon buuxda oo habka waxbarista ah (Pedagogy): Sida ay muhiim u tahay in baruhu leeyahay aqoonta asaasiga ah ee waxa uu dhigaayo ayay muhiimad leedahay inuu yaqaana sidii u gudbin lah