10-KA ASTAAMOOD EE LAGU GARTO BARAHA WANAAGSAN


Markii la joogo xirfadda macallinimada, macallinna macallin kale ku sifo iyo astaan maahan, waa kala dhaqan iyo kala dabeecad duwanyihiin dhamaan macallimiinta, midna dhaqankiisa iyo dabeecadiisa ayaa lagu jeclaada in ka badan kuwa kale, midna waa lagu dhibsadaa. Waxaan maqalkaan kusoo gudbin doonaa tiro 10 astaamood ah oo aan u arkay inay tahay astaanta iyo summada lagu garan karo macallinka wanaagsan.

Macallinka ama baraha wanaagsani  waa kan leh:

1. Aqoon qoto-dheer oo dhanka maadada ah: macallinka ama baraha wanaagsani wuxuu si qoto dheer u fahansanyahay maadada uu dhigaayo, wuxuuna si la mid ah yaqaanaa habka ugu wanaagsan ee uu ku gudbin lahaa aqoontaas. Baruhu hadii aqoonta uu uleeyahay maadada uu dhigaayo ay liidato, waxaa ku adkaanaysa in uu ardayda gaarsiiyo aqoonta maadada ay u baahnaayeen.

2. Aqoon buuxda oo habka waxbarista ah (Pedagogy): Sida ay muhiim u tahay in baruhu leeyahay aqoonta asaasiga ah ee waxa uu dhigaayo ayay muhiimad leedahay inuu yaqaana sidii u gudbin lahaa aqoontaas uu leeyahay. Baruhu si walba uu maadada u yaqaano hadii aanu aqoon sida ugu fudud ee ardaygiisa ugu gudbin lahaa waxay ku noqonaysaa caqabad soo wajahda xirfadiisa. Baraha wanaagsani waxa uu yaqaana habka ugu fudud ee fikradaha adag ee maadadiisa ku jiro uu ku fahansiin lahaa ardaygiisa.

3. Xirfadda hab-maamulka fasalka (Classroom Management Skill): Baraha wanaagsani ee xirfad ahaan la oran karo waa bare ama macalin waa kan yaqaana sida ugu wanaagsan ee anshaxa iyo habdhaqanka fasalkiisa uu ku xakamayn lahaa. Maamulka fasalka maahan mana noqon karto in barahu ardayda ul ku garaaco ama cabsi galin ahaan uu u qaato ul ama shey kale kale oo jir ahaan ardayga waxyeelen kara (Mowduuc kale ayaan kaga hadlaynaa ciqaab jireedka waxbarashada-Corporal punishement). Baraha wanaagsani waa kan ardayda ku ilaaliya hab dhaqan wanaagsan si xiisadu ay u noqoto mid waxtar noqota.

4. Caadalad-falid badan: Baruhu waa inuu yahay mid si siman ula dhaqma una cadaalad fala dhamaan ardayda uu wax baro. Waa inuusan midna midka kale ka jeclaan, xigsan, kana soo dhawaysan. 

5. Naxariis badan (Empathy): Baraha wanaagsani waa midka u dhimriya una naxariista ardaydiisa. Waa kan ogsoon in ardaydiisa ay kala duwanyihiin, kala awood yihiin dhanka waxbarashada sidoo kalana ay kala xaalad yihiin dhanka nolosha. Baraha wanaagsan waa kan ardaydiis caawiya, gacan qabta, garabna siiya, ilaa inta awoodiisu ay gaartana la xaliya qabadaha soo wajaha waxbarasho ahaan iyo nolol ahaan.

6. Dulqaad badan (Patience): Baraha wanaagsani waa mid dulqaad badan kaas oo u dulqaata caqabaha uu kala kulmo goobta shaqada, haday noqon lahayd mid ka timid ardaydiisa, maamulkiisa iyo culayska shaqada uu qabaanayo. Baruhu waa midka dulqaad muujiya markii ardaydiisa ama ardauy ka mid ah aanu sidii la rabay wax u baranin.

7. Waxbarasho joogto ah (Life-long Learning): qofka baraha waxbarashadiisu ma istaagto. Dunida hal meel ma taagna oo is badalku waa sunno, wax walba waa is badalayaan sida uu waqtigu isku badallo. Marwalba wax cusub ayaa soo baxa sidaaso kale ayay aqoontu tahay, maalinba maalinta ka dambaysa dunida cilmi iyo aqoon cusub baa kusoo siyaadda, tiknoolojiyadu iyana way sii siyaadda, hadii aanu baruhu si joogto ah isku shidaalin oo si joogto ugu warhaynin wax walba oo maadada iyo waxa uu dhigaayo la xariirta ama sida ugu fudud ay ardaydu wax u baran karaan, waxaa hubaal ah in tareenku meel aan dhawayn uga tagi doono. Sidaa daraadeed, baruhu waa inuu astaantan ku sifaysan yahay, noqdaana qof waxbarashadiisu aanu marnaba istaagin ee si joogta wax u barta.

8. Anshax wanaagsan oo dhanka shaqada ah (Work ethic): Baraha wanaagsani waxa uu si wanaagsan oo anshax shaqo ku dheehantahay ula dhaqmaa dadka ka sareeya iyo kuwa ay asxbaata shaqo wadaagga ay yihiin. Waa muhiim baruhu in anshaxa goobta uu ka shaqaynaayo sida ay tahay uga soo baxo, hadii ay ahaan lahayd waqtiga shaqada iyo shuruucda kalaba.

9. Is dhul-dhigid badan (Humility): Mid kale oo ka mid astaamaha muhiimka ah ee la rabo baruhu inuu yeesho waa inuu is dhul-dhigid badan ku sifaysanyahay. Baruhu waa in ardaydiisa iska waynaynin. Baraha astaantaan leh waa kan marka uu ardaydiisa ama goobta shaqada uu qalad ka dhaco, qirta raaligalinna ka bixiya, dabcan ardaygiisa ayuu raaligalinaya, hadii uu si qaldan ula dhaqmo ama wax u qaldan ku sameeyay. Astaantaan waxay ardayda baraysaa dhaqanka wanaagsan oo ah inay qaladkooda qirtaan oo ay raaligalin bixiyaan, dibna ka saxaan.

10. Xamaasad iyo jacayl uu u qabo waxa uu dhigaayo (العاطفة والحماس): Mid ka mid ah sifaadka lagu garto baraha wanaagsan; Waa in shaqada uu qabanaayo iyo waxa uu dhigaayo uu xamaasad iyo jacayl badan u qabo, marwalbana ay xiiso badani ku haayan. Hadii baruhu uu xirfada macallinamada usoo galay isagoo isticmaalaya fikradda raqiiska ah ee leh "Intaad shaqo fiican helayso iska sii noqo macalin", waxaa adkaanaysa in sifadan laga helo.

Astaamaha lagu garan karo baraha wanaagsani waa ay badanyihiin balse intaan ayaan u arkay inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee baruhu hadii uu yeesha ay u horseedayso mustaqbal wanaagsan oo xirfadda ahaan anfacda.

Mahadsanidiin.

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival