Posts

Showing posts from June, 2024

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

Image
  “Wixii qoran baa qaruumo haree,   M uxuu hadal qiimo leeyahay.”     Maanta waxaa muddo sanad ah laga jooga markii aan daabacay maqaalkaygii ugu horeeyay . Bishii June 2023 ayay ahayd markii aan daabacay “Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska  Waxbarasho Toosta.”   oo ahaa maqaalkii ugu horeeyay ee aan daabaco. Markii aan bilaabay blog- kan sanad ka hor , ma aanan filaynin sida uu maanta yahay inu noqon doono sanad ka dib. Sidoo kale, inuu intaan oo aqris ah helo marnaba ma filaynin !   Muddadii sanadka ahayd , waxaan daabacay 14 maqaal oo kala duwan , kuwaas oo ku saabsanaa mowduucyo kala geddisan oo xiiso leh . Mowduucyada aan wax ka qorayay waxay u badnayeen waxbarashada , akhriska iyo doodaha siyaasadd eed . Muddada sanadka ah e e aan wax qoray ay   waxa a ii suurta gashay ballaariyo aqoontayda iyo fahamkayga ku saabsan mowduucyadaas .     Waxaan aad ugu faraxsanahay in ka badan 1500 o o aqris   la aqriyay maqa