WARSAN

Warsan waa gabar fariid ah oo ku nool tuulo dhulka keynta ah ee hawraar ee dhaca bariga gobolka jubbada hoose. Waxa ay ku jirta sanadkii 18aad, waa bilcaan hadda madaxa soo taagaysa ee kusoo biiraysa duni kala dhantaasha qof walba oo qab yar is bida. Waxaana ay sannad dugsiyeedkaan dhamaysay iskuulka. Warsan waxa ay la nooshahay hooyadeed. Aabaheed waxa uu ku geeriyooday dagaal dhexmaray iyaga iyo reer santaag. Dagaalada qabaliga ah ee qabyaalada ku salaysan ayaa soo laalaabta marar badan guud ahaan gayiga Soomaliyeed. Waa aafo lagu imtixaanay ummadan dhacsaalka ah ee tabarbeeshay. Waxaa isku dila oo baaruud isku qaata laba wiil oo Soomaliyeed, isku dhiig ah, laakin kala magac reero duwan. Waxaa ku dhamaada aabayaal Soomaliyeed, waxaa ku gablama hooyoyin badan. Waxaa ku agoontooba wiilal mudnaa in nolosha koritaankooda ay aabahood la qaatan. Waxaa ay asaay u xirtaa xaasas farabadan. Warsan waa ay qirsantahay in nolosha deegankani aysan ahayn mid iyada iyo qoyskeeduba ay kusi...