WARSAN


Warsan waa gabar fariid ah oo ku nool tuulo dhulka keynta ah ee hawraar ee dhaca bariga gobolka jubbada hoose. Waxa ay ku jirta sanadkii 18aad, waa bilcaan hadda madaxa soo taagaysa ee kusoo biiraysa duni kala dhantaasha qof walba oo qab yar is bida. Waxaana ay sannad dugsiyeedkaan dhamaysay iskuulka. 


Warsan waxa ay la nooshahay hooyadeed. Aabaheed waxa uu ku geeriyooday dagaal dhexmaray iyaga iyo reer santaag. Dagaalada qabaliga ah ee qabyaalada ku salaysan ayaa soo laalaabta marar badan guud ahaan gayiga Soomaliyeed. Waa aafo lagu imtixaanay ummadan dhacsaalka ah ee tabarbeeshay. Waxaa isku dila oo baaruud isku qaata laba wiil oo Soomaliyeed, isku dhiig ah, laakin kala magac reero duwan. Waxaa ku dhamaada aabayaal Soomaliyeed, waxaa ku gablama hooyoyin badan. Waxaa ku agoontooba wiilal mudnaa in nolosha koritaankooda ay aabahood la qaatan. Waxaa ay asaay u xirtaa xaasas farabadan. 


Warsan waa ay qirsantahay in nolosha deegankani aysan ahayn mid iyada iyo qoyskeeduba ay kusii noolan karaan. Waxa gubaya hami iyo himilo fog oo ay nolosha ka qabto, kaaso jabinaya xeyndaabka deegan ee ku hareeraysan iyada. Dhaxanta habeenkii iyo kulaylka maalintii waxay bareen in aanay noloshu qofna u turin una jixinjixin. 


Casar-liiq ay hooyadeed la fadhisay aqalkooda hortiisa, ayay u sheegtay hamiga iyo waxa ka dhuuxguuxaya. Waxay cod hoose ku tiri "Hooyo, waxbarashada ayaan rabaa inaan sii wato. Xamar ayaan aadayaa."


Hooyaded waxa ay naxday markii ay maqashay “Xamar” sababtoo ah waxa ay idaacadaha ka maqli jirtay war dhiilo u badan oo ka imaanayay dhankaas. Xamar waa magaalo ay dad badani nolol ka raadsadaan, balse sidoo kale ay dhibaatooyin badani ka jiraan. Waxaa durba maskaxdeeda kusoo dhacay halisaha ka jira, dadka cusub ee gabadheeda ay la kulmi doonto, iyo kala fogaanshaha ay dareemi doonto marka Warsan ay ka tagto. Laakiin markay hooyo Waris eegtay indhaha gabadheeda, waxay aragtay han iyo himilo gubaya gudaheeda. Waxay ogaatay in gabadheedii ay qaadeyso waddo ay iyadu si dhab ah u go'aansatay. Iyada oo cabsi ay ku jirtay, haddana waxa ay hoos u dhigtay dareenkeeda, waxayna si dabacsan u dhahday, "Hooyo, haddii aad rumeysan tahay in waxbarashadu ay kuu horseedi doonto nolol ka fiican tan aad hadda haysato, waan kugu garab taaganahay." 


Warsan waxay subaxnimadii hore ka ambabaxday tuuladeedii, iyadoo sidata bac madow yar oo ay hooyadeed u diyaarisay. Hooyadeed intaysan bixin ayay laabgelin dheer oo ay ku macsalaamayso iskugu laabtay. Ma aysan hubin in waqtigu iyo waayuhu ay ku simi doonan inay dib isu arkaan. Indhaheeda waxaa ka muuqday hilow farabdan oo ay xasuusihii ay tuuladan ku samaysay ah, rajo iyo cabsi isku lammaan. Waxay ay raacday baabuur hoomey ah, oo uu lahaa nin aad looga yaqaano tuuladaas oo la yiraahdo; Axmad madaxey, oo safar dheer u gelaya magaalada Xamar. 

 

Axmad Madaxey wuxuu ahaa nin furfuran, hadal macaan, oo bashaash ah. Dadka safarka la gala waxay ku ammaani jireen furfurnaantiisa iyo sida uu rakaabka ula dhaqmo. Mar kasta oo uu baabuurka kaxeeyo, waxaa shidnaan jirtay heeso kala duwan oo isu dhaafiyo waqtiga safarka. Heesta markaan shidan oo muusigeedu gudaha baaburka si wayn uga garaacmaayo waa "Sabaalo" oo ay wada qaadaan Axmad Gacayte iyo Aamina Cabdullahi.


Axmad madaxey isagu heestan waaba tiisa uu ugu jecel yahay. Si ka duwan dadka kale ee rakaabka ah,  si qoto dheer ayuu ugu  raaxaysanayaa muusiga iska daba dhacaya ee heesta. Mararka qaar, isagoo baabuurka xawaare sare ku wada, ayuu gacantiisa bidix kor u qaadi jiray, madaxana ruxi jiray, isagoo la jaanqaadaya laxanka aadna moodo inuu jidboodayba.  

Waxaa ilbiriqyadaas garaacmaya ereyada oo uu gacayte cod halaasi ah ku leeyahay:


"Ilaa lagu su’aaloo, 

kugu seego aakhiro, 

waan kula socdaaye. 

Kuma saamaxaaye,

jeer suur dhawaaqoo, 

ma seegtada aan gaarnee. 

Haduu samir wax tari laa, 

ama uu sad noqon lahaa, 

muddaan kaa dhursugayee."


Warsan waxa ay aad ula yaabtay farshaxannimada heesta. Waxaa la cajabtay sida laxanka iyo muusiga heestu ay qofka maskaxdiisa iyo qalbigiisaba u dejinayaan. Si kasta oo uu safarka u dheer yahay, haddana muusiga heesta iyo furfurnaanta darawalka ayaa safarkaas ka dhigaya mid xasuus reeba. 


Gudaha baabuurka waxaa ka jiray nolol gooni ah. Dadka rakaabka ah waxay kala ahaayeen dad caafimaad u socda, kuwa waxbarasho aadaya, qaar xoolo keenaya, iyo kuwo reer magaal ah oo u laabanaya guryahooda.


Warsan waxay fadhisay dhinaca daaqadda, iyada oo ku raaxaysanaysa safarka. Waxaa la fadhiyay dhallinyaro kale oo safar waxbarasho u ah, balse mid ka mid ah ayaa dareen gaar ah ku dhex abuuray iyada. Waa wiil da'adeeda u dhow, gaaban, indhaha guduudan, maariin ah, cod deggan, waa  Cabdulahi Bidhaan oo xamar ugu safraya waxbarasho jaamacadeed si la mid ah warsan. Bidhaan waa heeso-yaqaan marwalba la jiibinaya heestii shidanta ee soo gasha speaker-ka. Hees walba la shido waxaad mooda inay isaga ka sheekaynayso sida uu ula jiibinayo oo uu ugu raaxaysanayo. 


Bidhaan waxa uu ka yimid tuulo kale oo dhacda xadka Soomaliya iyo Kenya, isaga oo u socda Xamar si uu uga mid noqdo ardayda jaamacaddaha ku qulqulaya ee soo dhameeyay iskuulaadka.


Suaalo tuur tuur ah ayuu waydiinayay si uu hadal u bilaabo laakin Warsan oo aan weligeed si toos ah wiil ula sheekaysan ayaa xishood dartii hadalkii la bilaaba soo xiraysay una gaabinaysay jawaabaha. Bidhaan isagu waa hadal yaqaan aan la sheekaysiga xaawalayda laga marine wuxuu hadba kasoo galaa dhinac kale ilaa ay is furfurtay warsan oo sheekada dhinaceed ka jiidatay. 


Markii hore waxay Warsan iyo Bidhaan waxa ay  ahaayeen laba qof oo ku kala socday laba wado oo kala duwan, balse heesaha iyo wada sheekaysigoodii safarka ayaa si tartiib ah uga dhex abuuray is-afgarad iyo dareen gaar ah. 


Warsan ma filayn in safarkan inay qof isku baran doonan waliba si fiican iskugu fahmi doonan. Bidhaan isaguna wuxuu dareemay in gabadhan ay tahay qof ka duwan gabdhaha uu hore u bartay—deggan, xishood badan, hami iyo han fog leh, aadna u fahamsan nolosha. Warsan waxay lahayd qurux dabiici ah, taasoo aan ku xirnayn in waxyaabo kale lagu sii qurxiyo. Ma aysan xiran jirin wax dhaldhalaya ee lagu yaqaanay gabdhaha asaaged ah, mana ay wadanin wax dheer dharka caadiga ah. Quruxdeedu waaxay ahayd mid qof walba si dabiici ah u soo jiidata.


Waa markii ugu horreysay ee ay cagta saarayso caasimadda, magaalo ay ka maqashay sheekooyin kala duwan—kuwa rajo abuur leh iyo kuwa laga cabsadaba. Wadadu waxay ahayd mid camiran, saxmadda iyo jaamka baaburta ayaa badnaa, dad tiro badan ayaa jidka lugeynayay, guryo dhaadheer iyo xarumo ganacsi oo kala nooc ah ayaa safnaa dhinaca laamiga. Codad kala duwan ayaa hawada isku shareeray—dhawaaqyada gaadiidka, ganacsatada suuqyada ku qaylinaya, iyo carruurta ku ciyaaraysa hareeraha waddooyinka. Warsan waxay si gaar ah u dareentay lana yaabtay sida dadku ay u  mashquulsan yihiin; midna uma eka inuu firaaq yahay. Waxay dareentay in dunidii ay ka timid iyo magaalada cusub ay yihiin labo adduun oo kala fog. Waxay xasuusatay hadal ay macallinkeeda iskuulka dhihi jiray  “Xamar waa meel qofka uu ka dhasho mar labaad.” Waxa ay hadda bilowday inay fahamto waxa ay ereyadaas uu ula jeeday.


Xamar waa magaalo leh qurux dabiici ah oo aan la qarin karin. Inkasta oo ay Xamar la kulantay dagaallo, burbur soo noqnoqday, haddana ma aysan lumin ruuxdeedii. Waa magaalo si kasta oo loo wiiqo, haddana u soo kabata sidii geed laga jaray laantiisa, balse mar kale ubaxeeya. Waa magaalo ay dadkeedu yihiin kuwo u adkaysta marxalad walba. 


Waxaa lasoo gaaray boosteejadii ugu dambaysay ee uu safarku ku ekaa. Warsan waxay dareentay in saacadihii safarka aysan dareemin, oo waqtigu sidii dabayl usoo maray. laakiin hadda, oo kala taggoodu soo dhawaaday, Warsan iyo bidhaan waxay labadooduba  dareemen culays aan jirin markii hore. Indhaha ayay isku haayeen, iyadoo midba aanu garanayn sida uu kan kale u macsalamaayn lahaa. Bidhaan wuxuu Warsan ku yiri intii aanay kala tegin: "Xamar waa magaalo weyn, balse waan rajaynayaa in aynu mar kale kulano." Warsan iyadoo dhoolla-caddaynaysa ayay ugu jawaabtay: "Waqtiga iyo waayuhu dib ha inoo kulmiyaan." Ma aysan lahayn nambar iyo xiriir ay kala reebtaan oo ay isku xiriiriyaan, nasiib darraduba waa taa e’. Axmad Madaxey ayaa si qosol leh u yiri: "Haye gabareey, Xamar waatan. iska dhici magaalada oo haku dhex lumim.!" Bidhaan wuxuu daawanayay Warsan oo kusii dhex lumaysa saxmadda iyo laamiyada xamar.  ma Dhammaad... Mise Bilow?


Markii ay Warsan timid Xamar, waxay ku degtay guriga adeerkeed Ciilmoog, oo muddo dheer magaalada ku noolaa. Ciilmoog wuxuu ahaa nin ay qaraabady aad u jecel yihiin, wuxuuna lahaa qoys ka kooban hal wiil iyo laba gabdhood. Warsan si wanaagsan ayaa loogu sii diyaariyay qol ay la wadaagi doonto Faadumo iyo Falis, oo iyaguna sanadkii labaad ka dhiganaayay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. 


Markii ay guriga timid, waxaa si gacmo furan oo laab xaaran ah ku soo dhaweeyay qoyskii adeerkeed. Eedo Xaawo oo ah xaaska adeer Ciilmoog ayaa si dhiiran guriga u kala bartay. Faadumo iyo Falis ayay si dhaqso ah iskula qabsadeen oo isku sheeko fahmeen. Waxay dareentay kalgacal iyo soo dhawayn xad dhaaf, taasoo ka dhigtay in ay si fudud uga gudubto dareenkii cusbaa ee ay la timid magaalada. Guriga waxaa yaalay TV weyn, oo qoysku si wadajir ah uga daawado aflaamta iyo wararka caalamka. Guriga sidoo kale waxaa ka jiray dhaqan aqris. Waxay arkaysay iyadoo qofba uu buug dhinac ula sii jeedo oo wax aqrinaya, qofna qof kale aan la hadlaynin inta aqrisku socdo. Waxay moodaysay in mid walba oo ku dhex lumay duni isaga u gaar ah oo ay buugtu u abuureen. Warsan, oo ku soo barbaartay nolol ka duwan tan magaalada, waxay xiiso weyn u qabtay inay la jaanqaado nolol-maalmeedka Xamar.


Warsan safarkeedu wuxuu ahaa bilow cusub oo rajo xambaarsan. Waxay si toos ah u gashay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyadda Waxbarashada, qeybta Barbaarinta Caruurta. Tani waxay ahayd riyo ay muddo dheer damacsaneyd; waxay aaminsaneyd in wadada kaliya ee ay dalkeda ugu adeegi karto ay tahay inay macalimad noqoto, si ay u soo saarto jiilal waxbartay, aqoon leh, una beerto mustaqbal ifaya ubaxa cusub ee dalka.


Marka bulsho ay la kulanto burbur, waxbarashadu waa habka ugu haboon ee ay dib ugu dhismi karto. Macalinku ma ahan kaliya qof wax dhiga, balse waa hagaajiyaha maskaxda da’ yarta, dhisaha shakhsiyaadka wax hogaamin doona mustaqbalka, iyo qofka ku haga waddada saxda ah ee ay bulshadu ka bixi karto jahawareerka iyo qalaalasaha. 


Bulsho burburtay waxay u baahan tahay jiil cusub oo hanan kara hoggaanka, fahmi kara qiimaha nabadda iyo xasiloonidu ay leedahay, garanayana sida horumar loo dhaliyo. Hase yeeshee, jiilkaas ma dhalan karo haddii uusan jirin macalin u diyaariya, u diyaariya caqli ahaan, akhlaaq ahaan, iyo xirfad ahaanba.


Haddii bulsho burburtay ay rabto inay dib u dhisanto, waa inay ka bilowdaa kor u qaadista kaalinta macallinka. Waa inay abuurtaa tacliin tayo leh, dhiirrigelisaa barayaal karti leh, kana dhigtaa macalinka qofka ugu mudan bulshada dhexdeeda. Sababtoo ah macalinku wuxuu dhisaa dad, dadkaasna waxay dhisaan bulsho, bulshadaasna waxay dhistaa qaranka. 


Macalinimadu waxay Warsan u ahayd waajib ka weyn xirfad la barto oo caadi iska ah. Waxay dareemaysay in dalkeedu uu marayo marxalad adag, bulsho burburtay, jiil lunsan, ubaxii dalka oo aan helin barbaarin iyo hagid sax ah. Waxay fahamsaneyd in xalka kaliya uu yahay waxbarasho, in macalinku yahay udub-dhexaadka dib u dhiska bulshooyinka. Waxaa ka go’nayd inay noqoto iftiin yar oo mugdiga ka dhex kaahaaya, gacan qabata kuwa rajo beelay, indhanana u noqota kuwa aan arag mustaqbalkooda. Waxay garwaaqsanayd in macalinka uu yahay qofka ka saara bulshada mugdiga iyo jahliga, u tilmaamo wadada horumarka, una abuuro maskax furan oo lagu dhisi karo bulsho mideysan oo hal meel u wada jeeda. Waxay rumaysnayd in waxbarashadu ay tahay hubka ugu culus ee looga hortagi karo burbur kale, ayna tahay halka ugu habboon oo ay dadaalkeeda gelin karto.


Shan sano kadib, Warsan waxay dhamaysay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ka qalin jabisay Kulliyadda Waxbarashada, gaar ahaan qeybta Barbaarinta Caruurta. Intii ay waxbarashada ku guda jirtay, waxay dadaal weyn gelisay waxbarashadeeda, cilmi-baadhista, iyo horumarinta xirfadeeda macalinimo. Waxay ahayd arday dedaal badan, waqtigeedana si hagar la’aan ah ugu hurta waxbarashada iyo horumarinta nafteeda.


Warsan waxay kaalinta koowaad u gashay kumanaanka arday ee jaamacadda ka qalin jabinayay. Ka dib xafladii qalinjabinta waxay ogayd in howsha dhabta ahi ay hadda bilaabanayso, waxayna ahyd mid ay si buuxda ugu diyaar garoowday.


Warsan, waxay go’aansatay in ay dib ugu laabato tuuladii ay ka timid. Maalintii safarka, waxay macsalaamaynaysay adeerkeed Ciilmoog iyo qoyskiisa, oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay, gacan weynna ka geystay in ay gaarto halkii ay hiigsanaysay. Warsan waxay laabta gashatay Falis iyo Faadumo, oo ay sannado badan la degganeyd, noqdayna saaxibo aad isugu dhow. Ciilmoog, oo mar walba la kaftami jiray sidoo kalana dhiirigalin jiray , wuxuu ku yiri, "Warsaneey, waad joogtaa meeshii aad rabtay ee xasuusnow adeer, inaad himiladaadii hirgeliso!". Warsan iyadoo indhaha ilmo ku taagan tahay ayay u mahadcelisay dhammaan qoyskii sida quruxda badan u gacan qabtay. 


Markii ay gaartay tuuladii ay ka timid, dareen xooggan ayaa qalbigeeda kusoo burqaday. Xasuusihii caruurnimadeedii, dhibaatadii ay u soo martay waxbarashada, iyo hilowgii ay u qabtay hooyadeed ayaa hal mar kusoo wada dagay. Waxay kor kaga jeeday hooyadeed Waris way ku oroday, laabta ayayna gashatay, iyadoo ilmadu ka qubanayso. 

Dadka tuulada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Warsan. Carruur, waayeel, iyo dhalinyaro oo dhamaantood oo ogaa sababtii ay Warsan uga ambabaxday tuulada, waxay kusoo dhaweeyeen sacab iyo mashxarad. Waxay ahayd maalin taariikhi ah, gabadhii yarayd ee tuulada ka baxday si ay wax u soo barato, haddana waxay kusoo laabatay iyada oo macalimad ah, diyaarna u ah in ay aqoonta ay baratay la wadaagto bulshadeeda.


Muddo yar kadib, Warsan waxay furtay iskuul barbaarin oo ay carruurtu si bilaash ah wax ugu bartaan. Waxay u huraysay waqtigeeda si ay caruurta ugu horseedi lahayd nolol ka wanaagsan tii ay iyadu kusoo kortay. Waxay wacad ku martay in riyadeedii ay ka dhabayn doonto, ayna hubin doonto in jiilasha mustaqbalka ay helaan fursad aanay iyadu marnaba helin. Warsan waxay ogaatay in riyada ay beertay ay guran doonto, balse loo baahan yahay dada al, adkaysi, iyo wax-qabad si ay uga dhabayso. Maantana, waxay bilaabatay halgankii ay ugu talogashay—dib-u-dhisidda bulshadeeda. 


DHAMMAAD.


W/Q Abdimalik Elmi Abdishakur 

Khamiis, 3 April, 2025.


Isha sawirka: Artificial intelligence

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

MAXAA AFRIKA DIB U DHIGAY?

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!