Posts

WARSAN

Image
Warsan waa gabar fariid ah oo ku nool tuulo dhulka keynta ah ee hawraar ee dhaca bariga gobolka jubbada hoose. Waxa ay ku jirta sanadkii 18aad, waa bilcaan hadda madaxa soo taagaysa ee kusoo biiraysa duni kala dhantaasha qof walba oo qab yar is bida. Waxaana ay sannad dugsiyeedkaan dhamaysay iskuulka.  Warsan waxa ay la nooshahay hooyadeed. Aabaheed waxa uu ku geeriyooday dagaal dhexmaray iyaga iyo reer santaag. Dagaalada qabaliga ah ee qabyaalada ku salaysan ayaa soo laalaabta marar badan guud ahaan gayiga Soomaliyeed. Waa aafo lagu imtixaanay ummadan dhacsaalka ah ee tabarbeeshay. Waxaa isku dila oo baaruud isku qaata laba wiil oo Soomaliyeed, isku dhiig ah, laakin kala magac reero duwan. Waxaa ku dhamaada aabayaal Soomaliyeed, waxaa ku gablama hooyoyin badan. Waxaa ku agoontooba wiilal mudnaa in nolosha koritaankooda ay aabahood la qaatan. Waxaa ay asaay u xirtaa xaasas farabadan.  Warsan waa ay qirsantahay in nolosha deegankani aysan ahayn mid iyada iyo qoyskeeduba ay kusi...

MAXAA AFRIKA DIB U DHIGAY?

Image
  Degso Pdf ‘AFRIKAAY IS DOONO’     Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn adduunka , sidoo kalana ah qaaradda labaad ee ugu dadka badan adduunka . Afrika waa qaarad faqri ah hadana ku taala dhul hodan ah , kaa oo hodan ku ah saliida, dahabka iyo xoolaha. Afrika waxay caadaysatay gargaarka. In ka badan 1 trillion oo dollar oo horumar taakulo ah ayay Afrika heshay toboneeyadii sano ee ugu dambaysay! Maku liibaaneen?   Afrika mustaqbal dhaqaale oo ifaya malahan, musuqu waa mid baahsan oo xididaystay, waxbarasho laaan ayay la daaladhacaysa, xasilooni darro siyaasadeed ayaa dhinac walba ka taagan, madaxda afrikaanka ah waxay badankood qabaan cudurka “kursi-ku-dhegga”, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa burbursan.    Afrika waxay si wayn uga dambaysaa oo ay waydaaratay horumarka dunida inteeda kale ka jiro. In ka badan nus qarni oo madaxbannaani ay ku jiraan badanaa dalalka Afrika, su’aasha ayaa weli ah sababta dad ku nool mid ka mid ah dhulka ugu qanisan adduunka aa...