Posts

Showing posts from July, 2023

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Image
  Download document "Aafadu xisaab maleh, sidii aayadii tiriye   Alle samirkii mooye nin wayn, ooyi kari waaye”   -Abdiwali Faarax Qaambi     Waa casirliiq oo wuxuu dulfadhiyaa miis ay dulsaarinyihiin afar waraaq oo cadcad iyo qalin. Waxaa lagu jiraa xagaa oo roob baa tifiqtifiq leh si goosgoos ah. Wuxuu dhexfadhiyaa qolkiisa shaqada ee uu soo galo uun wax la xariira shaqada hareeraha waxaa daaadsan waraaqo, qaar jeexjeexan qaarna aad moodo in hadda la qoray. Isku dhex yaaca ka muuqda qolka waxaad mooda in aanba lasoo galin sanado badan. Waxaa baxaya iftiin nuxuus ah oo ka soo baxaya leyr aad moodo inuu shaqeenayay qarniyaal kala gadisan oo iftiinkiisa aadan si buuxda uga dhex arki karin waxa dhex yaala qolka, kaliyana uu ku aadanyahay miiska ay afarta xaashi saaranyihiin.   Wuxuu galay hirar fikir ah oo maskaxdiisa aad u mashquuliyay maalmahaan dambe isagoo dib u fiiriyay noloshiisii iyo wixii u qabsoomay oo maanta uusan qiimo u heynin iyo wixii ku riyoon jiray oo usan gaarin oo

Afarta Sharci Ee Caado Samaynta: James Clear

Image
James clear waa qoraa maraykan ah, wuxuu qoray buugag fara-badan midka ugu caansan ee uu qoray wuxuu ahaa buugga “Atomic Habits”. Buuga atomic habits wuxuu aad ugu hadlayaa hanaanka looga dhiga caado kuwa raaga oo daba dheerada.  In la abuuro caado wanaagsan (good Habit) iyo in la baabiyo caadoyin xun (bad habits) waa dhib aad u wayn laakin fudud hadii qofka uu qaato goaan uu ku meelmariyo caadadas kana dhigto hadaf inuu caadadaas ka dhigo mid joogto ah.    Waa maxay caado? caado waa ficillo iyo dhaqammo uu qofka kusoo celceliyo. Mar hadii ay caado samaysanto waa adagtahay sidii lagu hilmaami lahaa. caadoo dhan ma wada fiicno waa seef laba afla ah waxay kuu burburin kartaa in ka badan intay ku dhisi karto.    Buuga wuxuu aad ugu nuuxnuuxsanayaa muhiimada isbadallo yar yar oo aad samaysid ay ku horseedi karto inaad dhisto caado raagta. Wuxuu leeyahay in qofna uusan caado ku dhisin karin hal habeen uu wax iska goaansaday. Wuxuu soo jeedinayaa marka in qofka markuu goaan qaato uusan hal m

Artificial intelligence(Garaad macmalka) Iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan.

Image
Artificial Intelligence (Garaad macmalka) Iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan . Artificial intelligence ama garaad macmalka waa habka aalad ama technology loo baro inay qabtaan howlo iyo shaqooyin iyagoo istimcaalaya garaad ( Intelligence) macmal ah oo u qaab eg midka bani- adaamka. Maanta adduunku wuxuu u jihaystay in lagu tartamo waxsoo saarka iyo adaygsiga Artificial intelligence-ga. Waxaana cajiib ah in bayloojiga iyo technoloojiyadii la is baray laagana soo saaray Biotech, kasoo sahlay in habdhaqanka (behavior), caafimaadka (health), dooqa (test), caadhifada (emotion) bani-aadamka lagu ogaado caqliga samayska ah. Artificial intelligence-ga wuxuu ku baahay dhamaan qaybaha nolosha si gaar ah waxbarashada oo uu si xowli ah u badalaayo hanaankii iyo habraacyadii la istimcaali jiray. Waxaa jiro AI tool mar dhaw la soo saaray ee laguna tijaabiyay mid ka mid iskuulada wadanka shiinaha, Jinhau xioshun primary school. Aalaada waa Headband ardayda madaxa looga xiraayo kaasoo sheegayso had