Afarta Sharci Ee Caado Samaynta: James Clear



James clear waa qoraa maraykan ah, wuxuu qoray buugag fara-badan midka ugu caansan ee uu qoray wuxuu ahaa buugga “Atomic Habits”. Buuga atomic habits wuxuu aad ugu hadlayaa hanaanka looga dhiga caado kuwa raaga oo daba dheerada.  In la abuuro caado wanaagsan (good Habit) iyo in la baabiyo caadoyin xun (bad habits) waa dhib aad u wayn laakin fudud hadii qofka uu qaato goaan uu ku meelmariyo caadadas kana dhigto hadaf inuu caadadaas ka dhigo mid joogto ah.   

Waa maxay caado? caado waa ficillo iyo dhaqammo uu qofka kusoo celceliyo. Mar hadii ay caado samaysanto waa adagtahay sidii lagu hilmaami lahaa. caadoo dhan ma wada fiicno waa seef laba afla ah waxay kuu burburin kartaa in ka badan intay ku dhisi karto.
  
Buuga wuxuu aad ugu nuuxnuuxsanayaa muhiimada isbadallo yar yar oo aad samaysid ay ku horseedi karto inaad dhisto caado raagta. Wuxuu leeyahay in qofna uusan caado ku dhisin karin hal habeen uu wax iska goaansaday. Wuxuu soo jeedinayaa marka in qofka markuu goaan qaato uusan hal mar natiijado muuqda oo wayn uusan ka helin. wuxuuna ku dardaarmaya in qofku diirada saaro isbadallada yar yar asigoo joogtaynaayo kuwaas ayaa dhisi doonaa caadada. James clear wuxuu leeyahay talaaabada ugu horeyso ee lagu qaadi karo in isbadalka yaryar lagu sameeyo waa in qofka uu diiradda saaro haaananka(process) ee uusan diiradda saarin natiijada ama maxsuulka(outcome), taas waxay kaa saacidaysaa inaad iiman ku qaado in isbadalka wayn uu imaan doono hadii aad joogtayso kuwa yaryar ee horseedaya. Tusaale ahan hadii aad rabto inaad dhisto caadi aqris haka bilaabin markaad buuga soo qaado inaad hal saac iyo laba saac wax aqriso, laakiin ka bilow inaad 5-10 daqiiqo aad aqriso maalin walba kuwaas ayaa kuu horseedi doona inaad saacad iyo laba saac aad wax aqriso adigoon ku dareemin caajis balse ku raaxaysanaya.  
  
James clear wuxuu buugiisa ku sharaxayaa afar sharci oo uu ugu magac daray “The four laws of atomic habits”. Maqaalkaan waxaan ku faaqidi doonna afartaas sharci iyo tuusalayaal wax ku ool ah.  
  1. Ka dhig caadada mid muuqata: sharciga koowaad Waa in aad ka dhigto caadada mid muuqata. Sidee uga dhigaysaa? Waxaad uga dhigaysaa waxaa jiro "Cues" oo ah waxyaalaha inaad wax samaysid ku xasuusiya. Waa in Cues-kaas ay muuqdaan kana muuqdaan deeganka aad joogtid. Tusaale ahaan hadaad rabtid in cabtid biyo badan maalintii waa inaad biyaha aad dhigataa meel ay kaaga muuqdaan, Dhigashada meel ay ka muuqdaan waxay ka cawinayso in aad cabtid. Tusaale kale hadii aad rabtid inaad dhisto caado Aqris waa in buugta laga helaa deeganka aa ku nooshahay waa in miiska ay buugag kuu saaranayihiin, Waxay kaa cawinaysaa iyana in aad aqriso mar walba oo aad aragto. Laakiin hadii aa aragagu qaban buuga way adkan doonta si aad u dhisto caado wax aqris. 

  2. Ka dhig caadada mid soo jiidasho leh: sharciga Labaad waa inaad ka dhigtaa caadada mid soo jiidasho leh. Caadada waa inaad ka dhigtaa mid kusoo jiito oo  aad marwalba oo aad aragto ashyaa ku soo xasuusiyo aad damcado "Craving". Caado waxaad uga dhigi karta mid soo jiidasho leh in aad ku xirto wax ama ashyaa aa xiisanaysid tusaale ahaan hadii aad rabto inaad caado aqris dhisto waa inaad doorataa buugag ka hadlaya mawaadiic aad xiisanaysid oo aad jeceshahy taas waxay kaa caawinaysaa in akhriska aad ku raaxayastid sidaasna aad ku dhistid caado aqris. 

  3. Ka dhig caadada mid fudud: sharciga seddexaad waa inaad ka dhigtaa caadada mid ku fudud in la qabto taas waxay kaa saacidi doonta inaad dhistid caado raagta. tusaaala ahaan waxaad rabtaa in aad dhistid ama samaysid caado aqris markaa waxyaalaha ku xasuusinaya "cues" oo ah buugta in ay ka muuqdan deeganka hadana aad ka dhigto aqriska mid kusoo jiita oo aad doorato mowduucyo ku xiiso galiyo oo aad jeceshahy ka dib waxaa u imaanasaa sharciga seddexaad oo ah inaad fududaysid aqriska adigoo wax yar aqrinayaa ama ila inta aad awoodo oo aadan culays iyo caqabad. sharciga wuxuu la xariira markii la fulinayo caadada aad rabto in aad dhistid "Response" 
  1. ka dhig caadada mid ku qancisa: sharciga afaraad ee caado dhisida waa, ka dib markaad ka dhigtay caadaada Mid ka muuqata deegaankaga, Soo Jiiidasho leh, fududna oo ah seddexda sharci ee hore sharciga afaraad waa inaad aad ka dhigtaa mid aad ku qanacsanatahay. Sideed caado uga dhigi kartaa mid aad ku qanacsantahay? Waxaad uga dhigi kartaa inaa is abaal mariso mar walba oo aad samaysid caadaadas, is xasuusisidna caadaadas ina aad wanaag ka helaysid. Tusaale ahaan markaad buugaagta aad ka muujisay deegankaaga, Aad dooratay mawaadic aad u xiisaysid, Aqrintana aad ka dhigtay mid fudud oo tartiib tartiib ah sharciga afaraad wuxuu leeyahay waa inaa nafta abaalmarisaa mar walba ay wax aqriso taasoo sababaysaa in ay naftu ku qanacdo aqriska ama caado walba ood ku abaalmariso. Waxaana aad loo sadaaliya in nafta wax walbo oo lagu abaalmariyo ay soo celceliso samayntooda. 
Qoraaga wuxuu buuga kaga hadlaya afartaas sharci waliba uu si faahfahsan u falanqeeynaayo. Hadii aad rabto in aad caado dhisto hubaal waxaa ah in ay ku caaawin doonan afartaan sharci ee kor ku xusan. Buuga waxaa lagu heli karaa qaab format ah hadii aad xiisanaysid inaa aqrisid waxaa ka heli kartaa e-libraries ka.

Caddecilmicadde@gmail.com
W/Q Abdulmalek Elmi Abdishakur

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival