Artificial intelligence(Garaad macmalka) Iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan.





Artificial Intelligence (Garaad macmalka) Iyo Waxbarashada: Saamaynta Togan.

Artificial intelligence ama garaad macmalka waa habka aalad ama technology loo baro inay qabtaan howlo iyo shaqooyin iyagoo istimcaalaya garaad ( Intelligence) macmal ah oo u qaab eg midka bani- adaamka. Maanta adduunku wuxuu u jihaystay in lagu tartamo waxsoo saarka iyo adaygsiga Artificial intelligence-ga. Waxaana cajiib ah in bayloojiga iyo technoloojiyadii la is baray laagana soo saaray Biotech, kasoo sahlay in habdhaqanka (behavior), caafimaadka (health), dooqa (test), caadhifada (emotion) bani-aadamka lagu ogaado caqliga samayska ah. Artificial intelligence-ga wuxuu ku baahay dhamaan qaybaha nolosha si gaar ah waxbarashada oo uu si xowli ah u badalaayo hanaankii iyo habraacyadii la istimcaali jiray.

Waxaa jiro AI tool mar dhaw la soo saaray ee laguna tijaabiyay mid ka mid iskuulada wadanka shiinaha, Jinhau xioshun primary school. Aalaada waa Headband ardayda madaxa looga xiraayo kaasoo sheegayso hadii ardayda uu mashquulsanyahay iyo hadii uu la socdo xiisada iyo cashirka. Wuxuu  soo daynayaa midab taasoo ka dhigan in hadii uu bluug soo saaro in ardaygaasu mashquulsanyahy uusan la socon xiisada ama wuu ka caajisay xiisada oo uusan concentrated ahayn laakiin hadii uu soo saaro gaduud ay tahay inuu ardaygaasi muhiimad sinayo cashirka uuna la socdo waxa la baranayo markaas. Tool-kaas wuxuu ka cawinaaya macalinka inuu la socdo ardayga la socdo asiga iyo mid ka haray.


Hadaba maqaalkan waxaan uga hadli doonnaa Saamaynta Togan ee uu artificial intelligence-ga uu ku leeyahay waxbarashada iyo sida ugu wanaagsan ee aan uga faaidaysan karno si aan uga dhigno waxbarashada mid Fudud oo fun ah.

Artificial intelligence-ga wuxuu caawiya macalimiinta iyo ardayda. Macalimiinta waxay ku  dajin karaan qorshe cashireedka (Lesson plan) iyagoo ku salaynaya baahiyaha ardayda ay wax u dhigaayan. Macalimiinta jaamacadaha (Lecturers, Professors) iyana waxay u adeegsan karan inay ku dajiyan si la mid ah qorshe cashireedka iyo inay istimcaalaan aalad wax sixid iyo hubinta soo guurinta assignmentska ay ardayda soo gudbiyaan. Waxuu AI-ga bixiyaa faalloyin ku saabsan assignments-ka uu saxo iyo meelaha uu ku liito qofka qoray ee la rabo inuu hormariyo (Constructive feedback). Artificial intelligency-ga waxaa loo adeegsan Caawiye macalin (Teacher assistant) kaasoo ka caawiya macalinka badana howlaha hor yaala ee sixida, Cashir diyaarinta iyo cashir sharaxada.

Macalimiinta waxay istimcaali kara Ai tools sida

1)  Yippity, wuxuu awood u leeyahay inuu ku sameeyo quizes qoraalka ama contentga aa galiso ayuu ka sameenaya suaalo iyo jawaabo.

2) Beautiful Ai, waxaa loo istimcaala in lagu sameeyo slides taaso soo jiidasho leh (Effective visualising) kana duwan kan powerpoints.

3) Turnitin Ai, Waxaa loo istimcaala in lagu hubiyo soo guurinta. Waa tool ugu wanaagsan marka la dhaho hubinta soo guurinta (plagiarism).

4) Chatgpt, Wuxuu ku jawaabaya suaal walba ood waydiisid, wuxuu ka caawinaya qorista. Waxaa kale uu kaa cawinaya inaad wax ka baratid iyadoo Mid ka mid principles-ka macalinka ay tahay waxbarasho joogto ah (Continouse learning). Chatgpt-ga si la mid wuxuu awood u leeyahy inuu soo kobo nuqullada cilmiyeed, cilmi baarisyada iyo buugta taasoo kaa caawinaysa inuusan waqti badan kaaga bixin inaad wada aqriso document cilmiyeed ama cilmi baaris ee uu asiga kusoo koobayo nuxurka document-ga aad u dirtid. Sidoo kale chatgptka wuxuu ku qori karaa waraaqadaha formal-ka ee loo istimcaali karo wadaxariirka (Communication).

Artificial intelligence (AI) wuxuu u sameensanyahay inuu ku siiyo waxbarid ku salaysan shaqsi-shaqsi  (Personalized learning) oo uu ardayga wax ku barto karaar iyo qaab uu isago doorato oo cashirba cashir  u dhiibo. Qiyaas fasal ay dhamaan ardayda ku jirto ay helaan attention gooni ah mid walba oo fasalkaas ka mid ah. Daraasad la sameeyay ayaa sheegaya in 1:1(hal macalin:hal arday) waxbarida ku salaysan ay ka wanagsan tahay kuwa kale. Taasoo ka dhigan in AI-ga aad ka dhigan karto macalin adiga wax ku sharaxayaa oon arday kale iyo wax kale aanan ku mashquulsaneen. Waxaa uu u sameeya ardayda feedback iyo qiimayn heerka aqooneed ee uu marayo waxa (content) uu baranayo.

AI-ga trending ah ee ugu caansan waa Chatgpt Marka laga soo tago in uu su'aalaha kaaga jaawabo ama uu wax kuu qoro  Chatgptka wuxuu u dhaqmi karaa inuu yahay macalinkaaga gaarka ah oo waxa uu ku bari karaa Courses iyo cinwaano walba ood xiisanaysid isagoo ay la socoto qiimayn iyo faallo (feedback) iyo waliba quises uu ardayda ka qaado. Chatgpt waxa kale uu ka caawin karaa inuu wax kuugu sharaxo qaab walba ood dalbato inuu kugu sharaxo tuusale ahaan waxaa uu samayn karaa inaa aa dalbato mowduuc aadna u sheegto in uu kugu sharaxo sidii arday dugsi hoose ah, Dugsi dhexe ah, mid ka aad dalbato ayuu kugu sharaxayaa. Wuxuuna ku fahansiinaya isagoo isticmaalaya luuqad fudud. 

Kahoot!, BrainPOP, Duolingo, Squirrel AI, Code.org, Quizlet, Nearpod, LightBot, Teachable Machine, Seesaw, Smart Sparrow, Prodigy iyo Classcraft dhaaamantood waa AI tools loo istimcaalo waxbarashada, loona sameeyay in ay ka dhigto waxbaridda iyo barashada mid fudud. AI tools-kan qaar waa free istimcaalkood qaarna waa lacag oo waxay baahanyihiin (subscription). Si guud waxaa jira garaad macamal fara badan oo loo istimcaalo maamulka waxbarasho iyo mid iskuulba.

Artificial Intelligence (AI)-gu waa dhab, waana mustqabalka dunida gaar ahaan midda waxbarasho ee caalamka. Soomaliya diyaar ma u tahy is badalkaas xowliga ku socdo? Jaamacadaha iyo machadyada waxbarasho ma u diyaar garooben? Macalimiinta iyo iskuulada ma u diyaarsan yihiin oo maku baraarugsanyihiin is badalkaas? Macalimiinta siday uga faaidaysan karaan iyagoo Waxbaridooda la falgalinaya Artificial intelligence-ga? Sideen u soo saari karnaa ardayda la jaanqadi kara casrigaas? waa suaalo is waydiin mudan, Mudanna in  laga sameeyo cilmi baaris dheeri ah.

Tixraac iyo aqris dheeri ah

Chen, L., Chen, P., & Lin, Z. (2020). Artificial Intelligence in Education: A Review. IEEE Access.

Wogu, I. A. P., Misra, S., Assibong, P. A., Olu-Owolabi, E. F., Maskeliūnas, R., & Damasevicius, R. (2019). Artificial Intelligence, Smart Classrooms and Online Education in the 21st Century: Implications for Human Development. Journal of Cases on Information Technology.

Gagné, M., & Gagné, M. (2019). Artificial Intelligence in Education: Promises and Implications. Educational Technology & Society,

W/Q Abdulmalek Elmi Abdishakur 

Caddecilmicadde@gmail.com 

Comments

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival