Posts

Showing posts from March, 2024

WAA MAXAY DASTUUR? ABDIRAHMAN ABDISHAKUR IYO BARNAAMIJKA WACYI

Image
Maqaalkan waxaan ku falanqeyn doonaa muuqaal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasoo qayb ka ah barnaamijka taxanaha ah ee WACYI. Muuqaalka, Cabdiraxmaan wuxuu ka hadlayaa dastuurka, isagoo falanqeynaya waxa uu yahay dastuur iyo muhiimaddiisa. Waxa uu sidoo kale sharaxayaa marxaladihii iyo taariikhdii uu soo maray dastuurka Soomaaliya, dhamaadka ayuu kaga hadlayaa fikirkiisa ku aaddan wax ka badalka dastuurka ee hadda ka socda dalka. Bilowga muuqaalka, Cabdiraxmaan wuxuu qeexayaa waxa uu yahay dastuur, muhiimaddiisa, iyo sidoo kale taariikhda dastuurka dalka iyo marxaladihii uu soo maray. Cabdiraxmaan dastuurka wuxuu ku qeexayaa in uu yahay sharciga ugu sarreeya ee dalka, kaas oo caddeynaya qaab-dhismeedka dowladda, sida loo adeegsado awoodaha siyaasadeed, iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta. Dastuurku waa heshiis bulsho oo muhiimaddiisa ugu wayn ay tahay in uu horseedo dib u heshiisiin, nabad iyo xasillooni, yareeyana khilaafka iyo colaadaha. Dastuurka mar walba waxa

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival

Image
  Intii lagu guda jiray qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo burburkii ku xigay ee dowladda dumiyay sannadkii 1991, Waxaa dhacay isku-day ay aqoonyahannada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ku doonayeen inay ka hortagaan musiibada soo aaddan kana badbaadiyaan bulshadooda burbur ku yimaada dowladda. Bishii May 1990, koox ka kooban halgamayaashii xorriyadda Soomaaliyeed ee hore, culaamaau diin, ganacsato, waxgarad, salaadiin iyo siyaasiyiin, oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa soo saaray bayaan furan oo ka kooban shan bog oo ku qoran afka Soomaaliga. Bayaanka waxaa uu ka dalbaday in kalitaliye, Sarreeye Guud Maxamed Siyaad Barre, uu xukunka iska casilo si looga hortago burburka ba'an ee ku soo food leh qaranimada. Bayaanka Waxa uu soo jeediyay tallaabooyin fudud isla markaana ujeedadoodu ahayd fududeynta xil wareejin nabad ah oo dhacda. Waxay qorshuhu ahaa in Ismaaciil Jimcaale Ossoble, oo ahaa sida la sheegay qofka fikradda asalka ah ee m

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Image
  Degso PDF Buuggan sal-dhiggiisu wuxuu ka soo jeedaa qoraal xagaagii 2002da ku faafay qaar badan oo ka mid ah shabakadaha internet-ka Soomaalida , sida Somalitalk , Somaliawatch , Soomaaliweyn , Ruunkinet , Gacal. Galguduud , Balcad iyo kuwo kaleba . Waxaa kaloo taxane ahaan loogu daabacay wargeysyo kala duwan oo ka soo baxa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba , sida Ayaamaha oo Xamar ka soo baxda iyo Kasmo oo London lagu daabaco . Qoraalkaas , oo lagu tilmaamay kii noociisa ugu faafidda badnaa inta la xasuusto , halkudheggiisu wuxuu ahaa , Gayi gablan ah, Gacal gurmad ah iyo Nacab guluf ah: Soomaaliya godka ma ka soo bixi doontaa ? Buuggan waxaa qoray waa allaha u naxariistii Maxamad Dahir Afrax , qoraaga sheeka faneedda “ Maanafaay ”.   Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa qoraa suugaanta allifa , sheekooyin Daabacan iyo riwaayado leh ; isla markaana faaqida fanka , gorfeeyana waxsoosaarka halabuur ee dhiggii