WAA MAXAY DASTUUR? ABDIRAHMAN ABDISHAKUR IYO BARNAAMIJKA WACYI



Maqaalkan waxaan ku falanqeyn doonaa muuqaal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasoo qayb ka ah barnaamijka taxanaha ah ee WACYI. Muuqaalka, Cabdiraxmaan wuxuu ka hadlayaa dastuurka, isagoo falanqeynaya waxa uu yahay dastuur iyo muhiimaddiisa. Waxa uu sidoo kale sharaxayaa marxaladihii iyo taariikhdii uu soo maray dastuurka Soomaaliya, dhamaadka ayuu kaga hadlayaa fikirkiisa ku aaddan wax ka badalka dastuurka ee hadda ka socda dalka.

Bilowga muuqaalka, Cabdiraxmaan wuxuu qeexayaa waxa uu yahay dastuur, muhiimaddiisa, iyo sidoo kale taariikhda dastuurka dalka iyo marxaladihii uu soo maray.

Cabdiraxmaan dastuurka wuxuu ku qeexayaa in uu yahay sharciga ugu sarreeya ee dalka, kaas oo caddeynaya qaab-dhismeedka dowladda, sida loo adeegsado awoodaha siyaasadeed, iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta. Dastuurku waa heshiis bulsho oo muhiimaddiisa ugu wayn ay tahay in uu horseedo dib u heshiisiin, nabad iyo xasillooni, yareeyana khilaafka iyo colaadaha. Dastuurka mar walba waxaa laga filayaa inuu keeno xasillooni siyaasadeed, midnimo ummadeed, isla markaana uu horseedo siyaasad loo dhan yahay oo waarta oo uu dalku yeesho.

Ka dib wuxuu u gudbayaa taariikhda dastuurka dalka iyo marxaladihii uu soo maray isagoo sheegaya in Soomaaliya ay yeelatay saddex dastuur, labo cahdi ku-meel-gaar ah, iyo hal dastuur ku-meel-gaar ah oo kan hadda aan haysanno.

Dastuurkii ugu horreeyay oo dhaqangalay 1960-1961, waa dastuurka kaliya ee afti dadweyne si sax ah loogu codeeyay, waxaana laga dhisay nidaam baarlamaani ah. Kadib, xukunkii askartu waxay meesha ka saareen dastuurkii dalka u yaallay. Muddo kadib, dalka waxaa lagu dhaqayayay go'aamo ka soo baxa golaha sare ee kacaanka. Kadib guul-darrooyinkii dagaallada ee dalka soo gaaray 1977, kaddib markii Soomaaliya ay aaday  dhanka Maraykanka, waxaa cadaadis badan lagu saaray maamulka in la sameeyo dastuurkii labaad ee dalka 1979, kaas oo lagu ansixiyay afti muran ka taagnaa saxnimadeeda; nidaamka waxaa laga beddelay mid baarlamaani ah oo loo guuray nidaam madaxtooyo (presidential), waana nidaamkii ay ku burburtay dowladnimada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan wuxuu tilmaamay in, ka dib burburkii, la galay wadahadaladii siyaasadeed ee jabhadihii dalka qabsaday. 13 shir ka dib, waxaa Carta lagu yagleelay Cahdigii ugu horreeyay ku-meel-gaarka ah ka dib burburkii dowladdii dhexe. Markii mandate-kii dowladii Carta dhamaaday ayaa hadana waxaa la sameeyay Embagati Charter-kii ka soo baxay ee ku-meel-gaarka ahaa ilaa laga soo gaaro sanadkii 2012, 2012 waxaa laga baxay cahdigii ku-meel-gaarka ahaa iyadoo la sameeyay dastuur ku-meel-gaar ah. Waxa uu xusayaa in wadahadallada dastuurka ku-meel-gaarka ee hadda la tashiga ku aaddan waxa ugu weyn ay ka qaybgaleen Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca, baarlamaankii ku-meel-gaarka ahaa iyo madaxtooyadaba, kuwaasoo ka wada-qaybqaadanayay, qeybaha bulshadana ay qayb ka ahaayeen. Kadib wada-hadallo dheer, waxaa lagu heshiiyay in laga guuro cahdigii ku-meel-gaarka ahaa loona gudbo dastuur ku-meel-gaar ah.

Cabdiraxmaan wuxuu ku-qeexayaa kala-guurka in markii colaado dhacaan oo dowladuhu ay burburaan, ku-meelgaarku uu noqdo buundo u dhexeysa taariikhdaas madow iyo tan la rabo in la hiigsado. Ku-meelgaarku waa buundada la rabo in si xasilooni siyaasadeed ah looga gudbo burburka iyo qalalaasihii dhacay, loogana baxo marxaladda ku-meelgaarnimada. Ku-meelgaarnimadu waxay tahay inay keento xasilooni siyaasadeed oo waarta, hay'adaha dowladana ay saldhigtaan, si loogu tilaabsado marxaladda la hiigsanayo. Inta badan, dastuurada ku-meelgaarka ah waxaa dejiya oo talo ku leh dadka lagu magacaabo nuqbada siyaasadda, ee xilligaa jira, ha ahaato maamul-goboleedyada, jabhadaha, ama qabaa'illada. Dastuurku waa dukumenti siyaasadeed (political document) oo ay ku heshiiyaan xoogagga siyaasadda ee is-haysta.

Goormaa Dastuurku Noqonayaa Heshiis Bulsho (Social Contract)?

Dastuurku wuxuu noqonayaa heshiis bulsho (social contract) marka dhammeystirkiisa ay ka qeybgalaan shacabka, ay ka doodaan, riyigoodana dhiibtaan, ugu dambeyntiina loo qaado afti ay ku codeeyaan dhaqan-galkiisa. Sidoo kale, waa in dadka go'aaminaya masiirka dastuurka ee siyaasiyiinta sare ee elite-ka ah ay dadka soo xushaan, dooddooda marka ay dhammaatana ay afti uga ansixiyaan dhaqan-galkiisa.

Cabdiraxman markuu intaas marayo wuxuu soo bandhigayaa doodiisa ku aadan wax hadda ka socda dalka, ee uu isagu leeyahay waa dastuur badalid oo dastuur cusub la sameynayo ee aanay ahayn dastuur dhamaystir. 

Cabdiraxman wuxuu ku doodayaa in Seddax cutub oo ka mid ah dastuurka Soomaaliya laga saari doono dastuurka, kuwaas oo kala ah Cutubka Xukuumadda, Cutubka Baarlamaanka iyo awoodiisa, iyo cutubka quseeya mataalada shacabka iyo dooraashooyinka. Sidoo kale, Waxaa la beddelayaa, oo wax ka beddel lagu sameynayaa 45 qodob iyo 97 faqradood, iyadoo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub lasoo kordhin doono, isla markaana la tirtirayo 3 qodob iyo 26 faqradood. Waxa uu meeshan ku doodayaa in dastuurka sidaa isku badalayaa aanay dhici karin in la yiraahdo waala dhamaystirayaa ee uu yahay samayn dastuur casub oo dalka loo sameenayo.

Waxa uu dhamaadka muuqalka dhaliilayaa hab socodka ay wax ka socdaan ee dastuurka la xiriirta.  Wuxuu dhaliil xooggan kala dhuldhacayaa baarlamaanka hadda jira ee uu ku dhaliilayo inay iska ansixyaan nuqullo iyo heshiisyo aanayba arkin, inay ka doodan iskaba daaye.

Ugu dambayn, wuxuu soo jeedinayaa in laga shaqeeyo midnimo  bulshada soomaliyeed u dhaxaysa, ee aan la sii shidaalin kala tag iyo qalaalase kale oo dheeri ah.

Comments

  1. Waana ku raacsanhy in dastuurkan kumeelgaarka ah aan lamarin habaajin ee markasta siwadar ogol ah xalka lagu gaaro. Thanks A.malik

    ReplyDelete
  2. Waa wax fiican inan tastuurka ku meelgaarka lamarin habaajin

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

Manifesto Group: Somalia’s Last Chance for State Survival