"Teacher Man" by Frank McCourt



Frank McCourt, qoraaga caanka ah ee ku guuleystay abaalmarinta Pulitzer, wuxuu buuggiisa "Teacher Man" ku soo bandhigayaa safarkiisa waxbaridda. McCourt wuxuu la wadaagayaa akhristayaasha farxadda, dhibaatada iyo xiisaha xirfadda macallinimo. Buuggan, oo ah kii saddexaad ee taxanaha xusuus qorrkiisa, wuxuu sii xoojinayaa sida uu McCourt u noqday macallin ka duwan kuwa kale, isaga oo mar kasta ku dadaalaya inuu abuuro qaab cusub oo waxbarid ah oo soo jiidanaya ardayda. Buuggan wuxuu soo bandhigaya dhacdooyin kala duwan oo ka tarjumaya xaqiiqooyinka iyo caqabadaha ka hor yimaada macallimiinta. "Teacher Man" waa sheeko xusuus qor ah oo ku saabsan mihnadda macallinnimo ee Frank McCourt.

Buuggan waxaa la daabacay sanadkii 2005, wuxuuna si qoto dheer ugaga hadlayaa waayo-aragnimadiisii muddada dheer ee uu macalin ahaa.

McCourt wuxuu soo bandhigayaa xaqiiqda ah in waxbarashadu tahay wax ka weyn xirfad ku kooban gidaarada fasalka; waa geedi socod bulsho oo isbeddel iyo saameyn ku yeesha nolosha ardayga iyo bulshada.

McCourt wuxuu daaha ka qaadayaa sida macallimiintu ay mararka qaar ugu shaqeeyaan xaalado adag, iyagoo wajahaya arday gaabis ah, nidaamyo waxbarasho duugoobay, iyo hanaan waxbarasho oo mararka qaar ku qasba inay noqdaan jilayaal aan kaalin saas ah ku lahayn wax ka beddelka nolosha ardayda. Waxa uu ka hadlayaa maareynta fasallo ay ku jiraan arday aan xiiso badan u hayn waxbarashada.

Inta uu macallinimada ku jiray, McCourt wuxuu lahaa doorka "jilaa". isagoo mararka qaarkood isku dayaya inuu cabbiro waxbarashada ku salaysan hab dhaqameed hore oo aan mar walba la jaanqaadin baahiyaha iyo danaha ardayda. Waxa uu tilmaamayaa sida macallimiinta loogu baahanyahay inay noqdaan kuwo hal-abuur leh si ay uga jawaabaan xaaladaha adag, sidoo kalena u saameeyaan nolosha ardayda si togan.

McCourt wuxuu muujinayaa sida ay muhiimka u tahay in macallinka ku cusub xirfadda la siiyo qalabka, taageerada, iyo dhiirigelinta ay u baahan yihiin si ay uga gudbaan caqabadaha soo wajaha bilowga xirfadda macallinimo. McCourt wuxuu ku talinayaa in macallimiinta ku cusub xirfaddu ay tahay inay naftooda u oggolaadaan waqti ay ku bartaan oo ay ku korin karaan xirfaddooda, iyagoo ka faa'iidaysanaya khibradda ay ka helaan gudaha fasalka. Wuxuu ku adkeynayaa in macallimiinta cusub loo diyaariyo nidaam taageero oo xooggan oo ay ka mid yihiin tababarro joogto ah iyo la-taliyeyaal waxbarasho oo hagaya. 

Wuxuu qeexayaa inay muhiim tahay in la aqoonsado inaysan jirin hal qaab oo saxan ee wax lagu baro ama lagu maamulo fasal kasta, sidaas darteed, macallimiinta cusub waa inay helaan xorriyadda ay ku tijaabiyaan habab kala duwan, kuna fahmaan qaabka ugu wanaagsan ee wax loo baro ee iyaga iyo ardaydooda u wanaagsan.

McCourt wuxuu sharaxayaa sida uu ardaydiisa ugu dhiirrigelin jiray inay ku lug yeeshaan casharrada isaga oo adeegsanaya sheekooyin shaqsiyeed iyo xusuuso xilliyadiisii hore ku salaysan.

McCourt wuxuu muujinayaa qiimaha dulqaadka iyo dabacsanaanta uu macallinku muujiyo marka uu la tacaalayo arday kala duwan oo kala dabeecado ah hadana hal fasal kuwada jira.

McCourt wuxuu iftiiminayaa in hal-abuurnimada iyo habka xiisaha leh uu macallinku wax u dhigo ay yihiin furaha soo jiidashada iyo gacan ku heynta dareenka ardayda. Waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in macallinku u baahanyahay inuu noqdo hal-abuure, isaga oo mar walba raadinaya habab cusub iyo fikrado cusub oo uu kula dhaqmo ardayda, kuna dhiirrigeliyo waxbarashada. Macallinku waa inuu ahaadaa fikir curiye si joogto ah uga fikiraya sida uu ardaydiisa ugu soo bandhigi karo casharo macno leh oo uu ku soo gudbinaayo habab cusub oo xiiso galinaya ardayda.

Buuggan wuxuu macallimiinta siinayaa dhiirogelin ay ku baranayaan habab cusub iyo shidaal ay ku sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay hayaan taas oo ah saameynta nolosha ardaydooda iyo mustaqbalkooda.

McCourt waxa uu tusaale ahaan u soo bandhigayaa sida macallimiintu uga gudbi karaan aragtida ah in waxbariddu tahay kaliya gudbinta macluumaad, una gudbin karaan inay yihiin xubin bulsho oo ka ciyaara door aad muhiim ugu ah horumarinta shakhsiyadeed iyo waxbarasho ee arday kasta. Buuggan wuxuu macallimiinta siinaya awood ay ku dareemaan qiimaha adeegooda waxbarasho iyo inay door muhiim ah ka qaataan horumarka nolosha ardaydooda.

Frank McCourt waxa uu na tusayaa in macallinka wanaagsani yahay qof u huraya naftiisa iyo waqtigiisa si uu u taageero, u hago, u dhiirigeliyo, kana shaqeeyo kor u qaadista shakhsiyadda iyo garaadka ardaydiisa. Macallinnimada sida uu McCourt tebinayo, ma aha oo keliya in la jeediyo casharro ama laga jawaabo su'aalo; waa in la abuuro xiriir adag oo saameyn ku leh mustaqbalka arday kasta. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeynayaa doorka macallinku ku leeyahay kor u qaadista hab-dhaqanka wanaagsan iyo dhismaha bulshada iyo ardayda.

Ugu dambeyntii, "Teacher Man" waa fariin cad oo tibaaxaysa awoodda waxbarid iyo saameynta ay macallimiintu ku yeelan karaan nolosha ardayda. Buugga McCourt wuxuu u taagan yahay maragfuran oo muujinaya in macallinnimadu tahay wax ka badan shaqo ama xirfad caadi ah; waa hawl u baahan jacayl, go'aan adag, hal-abuurnimo iyo dulqaad.

Waxaan dhameeyay buugan ee uu qoray Frank McCourt August 2023. Waa buug mudan in macallimiintu aqriyaan, lafa guuran kana faaidaystaan qibradda iyo waaya aragnimada ku jira.


Comments

  1. Thanks masuul noosoobadi insha allah.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

HAL SANO OO WAX QORIS AH: 14 MAQAAL IYO 1500 AQRIS

Xanaanada Caruurta: Gundhigga iyo Aas-aaska Waxbarasho Toosta.

DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY-FAALLO BUUG

DHAMBAALADII DHIMASHADA!

SOUTH AFRICA IYO ISREAL: MAXKAMADDA ICJ EE HAGUE

MAXAA AFRIKA DIB U DHIGAY?

Maxamad Farmaajo: A Failed Dictator!